X

Daawo Kooxda Somaliland Uga Qayb Gashay Tartanka Kubadda Ee Ka Socda Britain Oo Guulo Kasoo Hooyay Kadib Markii Ay Muquuniyeen Kooxaha Nigeria, Rwanda iyo Kenya

Britain (ANN)Kooxda Kubbadda Cagta Somaliland ee ka qaybgalay tartanka Jaaliyaddaha Qaarada Afrika ee ka socda dalka Britain, ayaa guul ballaadhan ka gaadhay dhammaanba kulamadii ciyaareed ee shalay iyo maalintii Sabtida ee toddobaadkan. Kadib markii wacdaro ka muujiyeen kulamadii u horreeyay oo ay ku sunteen guul, taas oo sababtay in Calanka Somaliland si weyn uga dhexmuuqdo Tarbuunka, ama Garoonka lagu qabanayo Tartankaa oo kumanaan u dhashay Somaliland oo u baddan kuwa ku dhaqan Britain ka qaybgaleen, iyagoo taageero u muujinaya Kooxda ku ciyaaray magaca qaranka Somaliland.


Tartankan oo ah mid caan ah, isla markaana qabanqaabadiisa uu ka qaybgalay Xidhiidhka Kubbadda Cagta Ingiriiska ee loo soo gaabiyo FA-ga, waxa ka qaybgalay jaaliyadaha 20 dal oo Afrika ah, kuwaas oo metelaya qaramadooda.

Jadwalka kooxaha tartankaa ka qaybgalaya ayaa sidan ah;-

Group A: Ethiopia , Morocco, Senegal, Sierra Leone iyo Zimbabwe

Group B: Nigeria, Somaliland, Rwanda, Burundi iyo Kenya

Group C: DR Congo, Tanzania, Ivory Coast, Cameroon iyo Guinea Bissau

Group D: Uganda, Zanzibar, Zambia, South Africa iyo Ghana.

Jawdalka tartankan ayaa lagu saleeyey in dalkastaaba laba jeer ciyaaro maalintii, iyadoo kooxda Somaliland ku jirto oo ciyaaray maalmihii Sabtida iyo Axadda, waxa Somaliland ciyaartoodii u horraysay la yeesheen kooxda Nigeria oo saddex jeer hore ugu guulaysatay koobkan, waxaanna si fiican u badisay kooxda Somaliland.

Kooxda Somaliland, ayaa shalay la ciyaartay Koxoda dalka Kenya oo guushu ku raacday kooxda Somaliland hal gool, sidoo kale kooxda Somaliland ayaa si fiican uga badisay kooxda ka socotay dalka Rwanda, taasoo muujinaysa in ciyaartoyga jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriisku soo bandhigeen ciyaaro fiican, isla markaana noqdeen kooxaha loo saadaalin karo inay koobkan ku guulaystaan, iyadoo kooxda Somaliland mar keliya guul-darro la kulantay ciyaartii ay la yeelatay dalka Brundi.
Tartanka FA, oo si rasmi ah u furmay maalintii Sabtida ee 30 May 2015, waxa la soo gabagabayn doonaa 14 June 2015, waana markii u horaysay ee Somaliland lagu casuumo inay ka qaybgasho tartankaa oo si weyn ay indhaha rayal caamka usoo jiiteen, iyadoo la saadaalinayo in kooxda Kubbadda Cagta ee Somaliland iska xaadirin karto ciyaarta kama dambaysta ah, inkastoo ay jiraan kooxo aad u adag uu ku jira tartanka, kuwaas oo ay mid yihiin kooxaha ku wada jira Group A oo loo bixiyey inuu yahay ka dhimashada (group of death), maadaama ay ka mid yihiin xulalka jaaliyadaha ugu adag ee tartankan ka qaybgalaya
Natiijooyinka ciyaarihii kooxda Somaliland yeelatay waxay u dhaceen sidan;

Somaliland 1:0 Nigeria

Somaliland 4:0 Rwanda

Somaliland 1:0 Kenya
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post