X

Kooxaha Usoo Gudbay Wareega Kama Danbaysata Ah Ee Tartanka Koobka Maxamed-Rashiid Cup

Hargeysa(ANN)Tartaanki koobka kubada kolayga ee bisha Ramadaan oo loogu magacdaray Maxamed-Rashid Cup ayaa uu gudbay wareegi kama dambaysta ah ee ciyaarta finaylka ee kooxaha heerka kowaad ee serie A iyo kooxaha heerka labaad ee serie B, waxaana Afarta kooxood ee wareega heerarka A iyo B, u gudbay kala yihiin kooxaha Wasaaradda Tamarta iyo Nagaad oo heerka serie A, halka heerka kooxaha serie B ay uu soo baxeen ciyaarta kamadambaysta ah kooxaha kala ah Jig jiga yar vs. Jamacaada Hargeysa.

Tartankan oo ka socday garoonka kubdada Kolayga ee Magaalada Hargeysa ee Timacade bilowgii bisha Ramadaan oo lagu magac daray Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ahaa halyay xoriyatul qawlka Saxaafada madaxabanaan ee Somaliland u halgamay, isla markaana ahaa xoghayihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka hor intii aanu naftiisa ku waayin dhaawac kasoo gaadhay shil Baabuur ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, Khamiistii 25 December 2014.

Kooxaha caawa wada kulmay ciyaarta kowaad ee heerka B Jiga jiga yar vs. Faceboog. Waxaana ciyaarta ku guleysatay kooxda Jiga jiga yar 21 dhibcood halka kooxda ku ciyaaraysa magaca Faceboog ay 10 dhibcood heshay.

Ciyaartii u damabeysay ee ay wada kulmii lahayeen kooxaha Nagaad Vs. Tv-ga Qaranka ee heerka kooxaha serie A, waxaana kooxda ku ciyaaraysa magaca Tv-ga qaranka ganaax awgeed ay gudigaa qabanqaabada wareegan ay ganaaxeen kooxdaa ka dib markii ay ciyaar hore ay kooxdu ciyaareen ay baal mareen anshaxa sharciga ciyaaraha, taas oo sababtay in go’aan lagu gaadho in la ganaaxo, isla markaana wareega laga saaro gebi ahaan, iyadoo ciyaartoodi semi finaylka ay kooxda Nagaad ku tuuratay siidaana ugu soo gudubtay ciyaarta kama dambaysta ah.

Kooxaha heerka serie B ayaa ciyaartooda kama dambaysta ah ay wada kulmi doonan kooxaha Jiga jiga yar Vs. Jamaacada Hargeysa maalinta Isniinta habeenka salaasadu soo galayso, halka ciyaarta kama damabaysta ah ee serie A-da wada kulmi doonan kooxaha Wasarada Tamarta vs. Nagaad ay ciyaari doonan habeenka Arbacadu soo galayso.

Naatijaadi Ciyaarta Semi Finaylka

Serie B – Jig Jiga yar Vs. Faceboog 21 -10

Serie A – Nagaad Vs. Tv-ga Qaranka waa lagu tuurtay

Ciyaarta Finaylka

Wasaaradda Tamarta Vs. Nagaad Wednesday July 14, 2015

Jiga Jiga yar VS. Jamacada Hargeysa Monday July 13, 2015

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post