X

Hoggaanka Cusub Ee Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland oo Xilka la Wareegay

Araweelo News Network

Muuqaalka Hoggaanka cusub ee Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland ooxilka la waregaya


Hargeysa(ANN)-Hoggaanka cusub ee Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland oo dhawaan ku yimid doorasho ay doorteen Isu-duweyaasha Wasaaradda Ciyaaraha iyo kooxaha kubbadda cagta caasimadda Hargeysa, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay hoggaankii hore shalay.
Xaflad xil-wareejinta ah oo lagu qabtay hudheelka Xaraf ee caasimadda Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Mareeye-ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Md. Mustafe Qodax Axmed, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, xildhibaanno, masuuliyiin ka socday qaar ka mid ah shirkaddaha dalka ee la shaqeeya Wasaaradda Ciyaaraha, marti-sharaf iyo shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda.
Xoghayihii hore ee Xidhiidhka Kubbadda Cagta Mr. Axmed Maxamed Shire (Sacad) oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay muddada ay xilka hayeen, waxaannu yidhi; “Intii aannu maamulka xidhiidhka haynay wax-qabadyadii waxaa ugu waaweynaa inaanu kala saarno naadiyada kubbadda cagta heerarka koowaad iyo labaad ee caasimadda, shuruuc iyo dastuur lagu maamuli doono kubbadda cagta Somaliland ayaanu sameynay, in garoomo badan oo Hargeysa Stadium ka mid yahay la dhigo dooga sanaaciga ah, taas oo qeybta ugu weyn ay lahayd Wasaaradda Ciyaaruhu. Tababar heer caalami ah oo aannu u qabanay garsoorayaasha iyo kooxaha kubbadda cagta, kaas oo ay Xidhiidhka Kubbadda Cagta Jabuuti ay casharada bixinayeen, xidhiidho wada shaqeyn oo aannu la sameynay xidhiidhada kubbadda cagta ee wadammada aanu jaarka nahay, kuwaas oo meel fiican noo maraya.”
Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ka kala socday shirkaddaha Telesom, Dahabshiil Group, Som Cable iyo SBI, kuwaasoo soo dhaweeyey masuuliyiinta cusub ee Xidhiidhka Kubbadda Cagta, halka sidoo kale ay iyagana sagootiyeen hoggaankii hore ee xidhiidhka. Sidoo kale masuuliyiintan ayaa ballanqaaday inay sidii ay markii hore u garab taagnaayeen u garab istaagi doonaan xidhiidhka cusub iyo Wasaaradda Ciyaaraha, waxaana ay ku baaqeen in laga wada shaqeeyo horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday shaqada ay soo qabteen hoggaankii hore ee xidhiidhka kubbadda cagta, iyo shaqada baaxadda leh ee looga fadhiyo hoggaanka cusub, isagoo ballanqaaday inay ka wasaarad ahaan ka go’an tahay inay sida ugu wanaagsan ula shaqeeyaan xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha, waxaana uu ganacsatadda, masuuliyiinta kooxaha ciyaaraha iyo sidoo kale cidkasta oo daaneeya ciyaaraha ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan sidii ciyaaraha Somaliland meel sarre loo gaadhsiin lahaa.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Mr. Maxamed Nuux Jibriil, Maareeye-ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Mustafe Qodax, Agaasimaha Telefishanka HCTV Mr. Maxamed Cabdi Ilig, qaar ka mid ah masuuliyiinka kooxaha kubbadda cagta caasimadda iyo marti-sharaf kala duwan oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah uga dhawaajiyay in si wadajir ah loo garab istaago, laguna taageero xidhiidhka kubbadda cagta sidii ay dedaal iyo horumar ula iman lahaayeen, iyaga oo sidoo kale sii sagootiyey xidhiidhkii hore.
Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, ayaa xilka u kala wareejiyay hoggaanka cusub iyo kii hore ee xidhiidhka kubbadda cagta Somaliland, waxaannu kula dardaarmay hoggaanka xidhiidhka cusub sidii ay u gudan lahaayeen xilka loo doortay, isaga oo sidoo kale hoggaankii hore ku bogaadiyey waxqabadkoodii muddadii ay xilka hayeen.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post