X

Dhacdo Dhexmartay Wufuud Lubnaan iyo Israa’iil ka Socday oo Ciyaaraha Olambikada ka Qaybgalay

Araweelo News Network

Ciyaaraha Olambikada (Olympics) waxa ay noqdaan miidaan siyaasadeed, waxaannu sannado badan isu keenayey dalal ay dagaallo ka dhexeeyaan iyo qaar colaad siyaasadeed ka dhex jiraab, taasoo mararka qaar keenta in ciyaaryahannada ka qaybgalaya tartankan ay isku dhex dilaan garoomada amma goobaha loogu talogalay in tartanku ka qabsoomo.
Sida uu soo tebiyey wargeyska An-Nahar oo ka soo baxa dalka Lubnaan oo Jamhuuriya soo xigtay, dhacdadii u dambaysay waxa la arkay toddobaadkan gudahiisa, kadib markii wefti ka socday dalka Lubnaan ay ka xidheen albaabka kooxo ka socotay Israa’iil si aanay ula raacin bas ay la socdeen, gaar ahaan baskan waxa ka buuxay ciyaaryahanno hore (former Athletes) oo doonayey in ay in ay ka qaybgalaan furitaanka xafladda ciyaarahan Olambikada oo ka qabsoomaysay garoonka Maracana Studium ee dalka Brazil Jimcihii toddobaadkan.
“Waxa aan waydiiyey darawalkii baska inuu albaabka xidho, balse ilaaladii kooxda Israa’iil ayaa arrinka ka hortagay in aannu xidhano albaabka, kadib waan istaagay oo waxaan isku gudbay albaabka si aan uga hortago in kooxda Israa’iil nala soo raacaan baska, kadibna waannu dagaallannay.” Sidaa waxa yidhi madaxa weftiga ciyaartoyga ah ee ka socday dalka Lubnaan.
Weftiga reer Israa’iil oo arkay in arrinkan yahay mid colaadeen, ayaa sheegay in Guddida Qabanqaabada Ciyaaraha Olambikada ay isugu keeneen bas qudha labadan dal.
“Guddida Qabanqaabada way arkayeen dhaqanka adag ee uu ku kacay Madaxa weftiga Lubnaan, waxaanay si dhaqso ah noogu diyaariyeen bas kale,” ayuu yidhi Gili Lustin oo ah madaxa weftiga Israa’iil.
Colaad gaamurtay ayaa ka dhexaysa dalka Lubnaan iyo Yuhuudda, gaar ahaan mid ku saabsan xuduudaha labada dal u dhaxeeya oo ay ku muransan yihiin, taasoo mar kasta abuurta xiisad iyo saansaan colaadeed, halka sidoo kale ay kooxaha la dagaallama Israa’iil ay xarumo ku leeyihiin gudaha Lubnaan.
Xaggaagii sannadkan waxa toban jirsatay colaad ka dhalatay dagaal Israa’iil iyo Garabka Millateriga Xisbullah ee Lubnaan dhexmaray sannadkii 2006, kaasoo ay ku dhinteen dad gaadhaya 1,200, isuguna jira rayid reer Lubnaan iyo ilaa 160 qof oo ka soo jeeda Israa’iil, una badnaa ciidanka Yuhuudda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post