X

Dalka Qadar Oo Ka Guuleysatay Sacuudiga

Madaxda dalalka Qatar iyo Sacuudiga

Dubai (ANN)-Dalka Qadar oo si weyn ay ugu kala qaybsan yihiin Sucuudiga Siyaasada Mandaqada, ayaa ku guulaystay ciyaar xiiso iyo xamaasad gaar ah lahayd oo dhexmartay.

Ciyaarta oo qayb ka ahayd Koobka Qaramada Dalalka Aasiya, ayaa xalay ka dhacday dalka Imaaraadka, waxaana  ciyaartaa oo si ka duwan ciyaaraha dalalka kale u dhexmaray ay ahayd mid aad loogu dheg-taagayo, isla markaana xiiso gaar ah iyo xamaasad u lahayd shacbiga lada dal iyo bulshada kale ee dunida ciyaaraha, iyadoo dad aan hore xiise sidaa u weyn u hayn tartanka ciyaaraha ee xiligan ay soo jiidatay Ciyaarta xalay dhexmartay xulalka labada dal oo loogu magac daray “Blockade Derby” ama kulanka adag ee go’doominta, waxayna labada xul ku tartamayeen hogaanka guruubka E.

Haseyeeshee, waxay ciyaartaa Xulka kubadda cagta ee dalka Qatar, ayaa 2-0 kaga adkaaday dhiggiisa dalka Sucuudiga, waxaana guushaa u suntay xulka Qadar, Ciyaartoyga Almoez Ali oo asal ahaan ka soo jeeda Suudaan, kaasoo weerarkana uga ciyaara kooxda Qadar, ayaa u dhaliyay xulka Qadar labada goo lee guushu ku raacday, halka xulkaasi gool ku laad ka khasaariyay kabtankooda, Hassan Al Haydos.

Kulanka oo ka dhacay garoonka Mohammed bin Zayed ee magaalada Abu Dhabi, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay labadan xul iskaga horyimaadaan tan iyo markii ay billaabatay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka.Dalka Qadar oo saamayn weyn ku yeeshay siyaasada dunida, ayaa martigelin doonta Koobka Adduunka ee 2022.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post