X

Cudurka Ebola Oo Looga Cabsiqabo Inuu Baajiyo Ciyaaraha Qaramadda Afrika Iyo Morocco Oo Codsi Gudbisay

Rabat(ANN)Furitaanka Koobka Ciyaaraha Qaramadda Afrika ee African Cup of Nations (CAN), ayaa la filayaa in dib loo dhigo. Kadib markii Dalka Morocco ka dalbaday Xidhiidhka Ciyaaraha Afrika ee African Football oo loosoo gaabiyo ( CAF) ka dalbaday in loo dhigo mudada hore loo qorsheeyay ee Ciyaarahaasi ka furmi lahaayeen Dalka Morocco oo ku beegan 17 Janaury 2015.
Hase yeeshee Wasiirka Ciyaaraha Morocco iyo Wasiirka Caafimaadka oo raaca talooyinka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, waxay sheegeen in ay Xidhiidhka Afrika ee Ciyaaraha Kubadda Cagta ka dalbadeen in dib loo dhigo xiligii hore loo qorsheeyay in ay furmaan Ciyaaraha koobka Qaramadda Afrika, taas oo ay sabab uga dhigeen Xaalada Cudurka Ebola uu ku hayo dalalka galbeedka Afrika, balse ma sheegin Morocco xiliga ay doonay in dib loogu dhigo Ciyaaraha.
Dalabka Dalka Morocco ee Cudurka Ebola ku cabsi geliyay furitaanka Ciyaaraha ka dhici laha Dalkeeda, ayaa noqday mid aan weli la aqbalin, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda Xidhiidhka Afrika ee Ciyaaraha Kubada Cagta kasoo saaraan go’aan.
Arrinta Dawlada Morocco ka hadashay ee Cabsida Cudurka Ebola, ayaa saamayn ku yeelatay Ciyaaryahano Caalami ah, kuwaas durba soo qadimay in haddii Ciyaaraha lagu qabto dalka Morocco oo ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee sida weyn uga cabsiqaba cudurkaa oo farabaas ku haya dalalka ay dhinaca Galbeedka Afrika ka xigga aanay ka qaybgelayn.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post