X

Xanjo Loogu Talogalay inay Dawayso Dadka Kiristaanka ah ee Cuqdadda ka Qaba Islaamka

Araweelo News Network

Xanjo ay soo saareen Golaha Islaamka Maraykanka ee CAIR (Council on American-Islamic Relation), ayaa lagu sheegay in ay dawo u noqonayso dadka aan rumaysnayn islaamka ee ay caadada u noqotay cuqdadda islaam nacaybka (Islamphobia).
Xanjadan oo la xayeysiiyey, isla markaana hab jilis ah lagu soo bandhigay, ayaa qayb ka ah wacyigelin lagaga hortagayo dhacdooyin wax lagu yeelay dadka islaamka ah ee Maraykanka ku dhaqan, kuwaasoo ay ku kacaan dadka cuqdada ka qaba dadka Islaamka ah amma Islamnimadaba.
Dad aan islaam ahayn, ayaa loo adeegsaday xayeysiiska loo sameeyey xanjadan cusub, kuwaasoo calaashanaya, kadibna la heshiinaya dad Muslim ah oo ay jaar ahaayeen amma darawallo muslim ah oo ay hore u necbaayeen.
“Xanjada Slamophobin way I daawaysay,” ayuu odhanaya nin ka mid ah dadka xanjadan xayeysiinaya.
Sidoo kale, mareegta Golaha Islaamka Maraykanka ee CAIR oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa lagu sheegay in xanjadan ay muujinayso in laga hortagayo Islaam nacaybka, isla markaana ay tahay mid mala-awaal ah oo nafsi ahaan loogu daawaynayo dadka kiristaanka ah.
“Islaam nacaybka ka jira Maraykanka iyo qaybo badan oo adduunka ah waxa keena in Islaamka il goonni ah lagu eego oo loo arko dhibaato, balse maaha, sidaa darteed xanjadan waxay qayb ka tahay ololaha lagaga hortagayo arrintaas,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed CAIR ka soo baxay.
Muuqaalkan oo baraha bulshada lagu baahiyey horraantii toddobaadkan, waxa daawaday 50,000 qof oo Youtube ka dalaacday, waxaanay gaadhay in ka badan intii loogu talagalay in farriinta wejiga hore la gaadhsiiyo. Waxa Xanjadan laga iibsanaya mareegta Amazon oo laga siisanaayo $1.99 qardaaska kaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post