X

Xaaladda Xannuunka Coronavirus Ee Somaliland Oo Laga Dayriyay

Randa Hassan Mohamed, a nurse, took a coronavirus patient outside for fresh air and sunlight at the Daryeel hospital in Hargeisa, Somaliland, a self-governing region of Somalia.Credit...Samantha Reinders for The New York Times

Araweelo News Network.

#Somaliland: Wargeyska New York Times Oo Xaaladda Xannuunka Coronavirus Warbixin ka qoray

Hargeysa(ANN)-Xaaladda Somaliland ee xannuunka Coronavirus, ayaa laga dayriyay, iyadoo aannay jirin warbixino la xidhiidha xaaladda xannuunka ee xilligan Somaliland iyo heerka uu marayo.

 

Hase yeeshee Wargeyska caanka ah ee New York Times, ayaa warbixin la xidhiidha arrinta xannuunka COVID-19, ka qoray  Somaliland, wuxuuna daabacay warbixin u kaga hadlayo Cusbitaalka kali ah ee Hargeysa lagu dabiibo dadka uu asiibo xannuunka Coronavirus.

 

“Qiyaas ahaan 80% bukaanada laga helo Covid-19 ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa usoo gudbiyo Daryeel Hospital nooma yimaadaan, guryahoodaa ayay dadku ku dhintaan.” Sidaa waxa Wargeyska New York Times u sheegay Dr. Yusuf M. Ahmed oo ah dhakhtarka keliya ee ka hawlgala Daryeel Hospital.

 

Wuxuu intaa raaciyay in xannuunka Coronavirus dadka aamusnaan ku laayay, iyadoo bukaanadu ku dhimanayaan guryahooda sida uu sheegay New York Times.

AKHRI: Fayriska Cusub Ee Hirarka Mawjadaha Ah Iyo Dalalka Yurub Oo Xayiraado Ku Baaqay

Randa Hassan Mohamed oo ah Kalkaaliso Caafimaad oo ka shaqaysa Daryeel Hospital Hargeysa ayaa Bukaankii qabay Covid-19, uga saartay Cusbitaalka dibada, iyadoo ka saartay qolkii si uu u helo Hawada dabiiciga ah iyo cadceeda.

 

Sidoo kale, New York Times, ayaa sheegtay in Dalal badan oo Afrikaan ah ay qorshaynayaan samballo aad u ballaadhan. Laakiin xaqiiqooyinka dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ayaa badanaa keena dib u dhac.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa kusoo beegantay iyadoo si weyn caalamku uga qaylinayo mawjadihii labaad ee xannuunka Coronavirus, isla markaana ay si weyn looga cabsi qabo in dunidu kala xidhanto mar kale.

Somaliland ma jiraan warbixino xidhiidh ah oo Wasaaradda Caafimaadku la wadaagtay bulshada dhawrkii bilood ee u danbeeyay tan iyo markii xayiraada la qaaday ee kal hore, isla markaana waxa batay mudooyinkii u danbeeyay dhimashada, iyadoo dad badan rumaysan yihiin in xannuunku si hoose dadka u laynayo oo ay inta badan dadka dhimanaya ay suurta gal tahay inay u dhinteen xannuunka, walaw aannu jirin baadhitaan lagu samaynayo oo lagu sameeyo sababta, waxaana tuhunka noocaa ah xoojinaya warbixinta New York Times oo soo xiganay Dr. Yusuf M. Ahmed oo ah dhakhtarka keliya ee ka hawlgala Daryeel Hospital oo sheegay in 80% bukaanada laga helo Covid-19 ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa usoo gudbiyo aan la keenin cusbitaalka loo asteeyay xannuunka ee ay dadka bukaanada ah eheladoodu geystaan guryahooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post