X

Wiil Dhashay Isagoon Gacmo iyo Lugo Lahayn, Haddana Dedaal Badan Sameeyay:Ku Cibro Qaado

Araweelo News Network

Siyad Maxamed Axmed Maxamed


Wiil yar oo reer Masar ah, laguna magacaabo Siyad Maxamed Axmed Maxamed, waxa uu ku soo dhashay gacmo iyo lugo la’aan, balse arrintaasi kama ay joojin inuu hawlihiisa qabsado sida inuu wax cuno, cabbo amma waxbarashadiisa si fiican u guto.
Waxa uu isticmaalaa caagadaha sharaabka amma biyaha laga cabbo oo uu ka dhigto gacmo si uu raashinka ugu cuno, qallinkana ugu qabsado marka uu wax qorayo. Aabbaha wiilkan yar ayaa u sameeyey caagadaha sharaabka (Soda bottle) oo uu uga dhigay gacmo (Prosthetic limbs).
Caagadaha oo kala badh ah ayaa loo geliyaa gacmaha, kadibna waxa caagadda afkeeda loogu sii qabtaa malqaacad uu wax ku cunaayo amma qallinka uu wax ku qorayo.

Siyad Maxamed Axmed Maxamed


Mr. Siyad Maxamed oo 11 jir ah waxa uu hadda ku jiraa fasalka labaad ee dugsiga hoose, inkastoo ay ahayd da’ ahaan inuu fasalka 5aad dhigto, laakiin waxa waxbarashada ka habsaamiyey qoraalka oo aad ugu adkaa, haddase xalkeeda waa loo helay oo wuxuu ka mid yahay ardayda ugu dedaalka badan.
Laxaad la’aantu kama horistaagin inuu tartan la galo ubadka da’diisa ah ee xubnaha jidhkoodu u dhan yihiin, waayo waxbarasho, cunto iyo cabbitaan toona cid kale kuma tiirsana, inkasoo qoyskiisu sabool yahay oo aanay u awoodin in ay u sameeyaan qalab casri ah oo u saamaxa inuu si fudud hawlihiisa u qabsado.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post