X

Wiil 12 Jir ah oo Waxbarasho Jaamacadeed ka Bilaabay Waqooyiga Ameerika

Araweelo News Network

Wiil 12 jir ah oo u dhashay dalka Indonisiya (Indonesia), ayaa waxbarasho ka bilaabay Jaamacad ku taal dalka Kanada (Canada) ee waqooyiga Ameerika toddobaadkan, kadib markii maskaxdiisa laga yaabay.
Inanka yar oo magaciisa la yidhaah Cendikiawan (Diki) Suryaatmadja waxa uu baran doonaa cilmiga Faysigiska (Physics), waxa kaloo uu culuum dheeraad ah ku qaadan doonaa xisaabta, Kimistariga (chemistry) iyo dhaqaalaha oo uu ka baran doono Jaamacadda Waterloo (University of Waterloo) oo ku taal magaalada Ontario ee dalka Canada, sida ay sheegeen masuuliyiinta Jaamacaddu.
Wiilkan yar oo maskaxdiisu aad u sarrayso ayaa la ogolaaday inuu galo Jaamacadda, kadib markii dugsigiisa uu si degdeg ah u dhameeyey, halka ardaydu waxbarshada ku dedaalaysana uu filimo English ah iska daawan jaray, sababtoo ah waxa uu dhakada ka hayey waxa lagu dhigayo amma duruusta lagu baran jiray dugsiga.
Waxa la sheegay in wiilkan yar noqday ardaygii ugu yaraa ee laga ogolaado Jaamacadda Waterloo, waxaanay Jaamacadan ka mid tahay jaamacadaha ugu wanaagsan dalka Kanada, balse waxa uu ka mid yahay arday aad u da’yar oo maskaxdoodu aad u sarrayso oo loo ogolaaday in ay waxbarasho sare helaan.
Dhinaca kale, jaamacad ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka oo la yidhaa Cornel University waxa ay toddobaadkan ogolaatay wiil 12 jir ah oo la yidhaa Jeremy Shuler si uu wax uga dhigto.
Sida taariikhda lagu hayo nin magaciisa lagu sheegay Micheal Kearney oo dhashay 1984, kana soo jeeda dalka Maraykanka ayaa ahaa wiilka ugu yaraa ee Jaamacad ka qallin-jebiya isagoo siddeed jir ah, halka isagoo aad u yar uu macallin jaamacadeed noqday.
Masuuliyiinta Jaamacadda Waterloo ayaa u sheegay warbaahinta in aan da’du caqabad ahayn, balse uu wiilkan yar ee magaciisu yahay Diki uu yahay qofkii ugu aqoonta fiicnaa ee ay aqbalaan waligood.
“Waxa uu haystaa natiijooyin cajiib ah, waxa uu diyaar u yahay aqoon sare. Waxa kaliya ee aan sheegaynaa waa inuu 12 jir yahay, taasina caqabad aanay ahayn,” ayuu yidhi Andre Jardin oo ah ku-xigeenka Diiwaangelinta Jaamacadda oo la hadlayey telefiishanka CTV oo Jamhuuriya soo xigtay, kaasoo warbixin ka diyaariyey arrintan cajiibka lagu tilmaamay.
Wiilkan yar ee u dhashay dalka Indooniisiya oo la hadlay telefiishanka CBC, ayaa isna yidhi; “Aad baan u xiisaynayaa inaan la kulmo ardayda cusub, halkaana saaxiibo cusub ku yeesho.” Waxa uu intaa ku daray inuu jecelyahay barashada cusboonaysiinta tamarta (Field of Renewable Energy).
Waxa kale oo loo diyaariyey guri uu ku noolaado inta uu wax ka baranayo Jaamacadda ku taal dalka Canada ee Waqooyiga Ameerika, halka sidoo kale loo ogolaaday inuu aabbihiina la joogo si uu xaaladihiisa uga war hayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post