X

Wargeyskii u Horreeyey ee Loogu Talogalay inay Akhristaan Dadka Indhoolayaasha ah

Araweelo News Network

Wargeys loogu talogalay dadka indhoolayaasha ah, ayaa markii ugu horraysay laga hirgeliyey dalka Guatemala (Guwantameela) ee ku yaal qaaradda Ameerika, kaasoo xambaarsan macluumaad loo qorsheeyey inay fahmi karaan dadka naafada ka ah dhinaca aragga.
Wargeyskan waxa uu ku qoran yahay nidaamka dadka indhoolayaasha ah wax u akhriyi karaan ee loo yaqaan baraylka (Braille), kaasoo ah dhibco (Dots) kuus-kuusan amma xagga sare u soo taagan oo qofku ku akhri karo farahiisa amma taabashada gacantiisa, isagoo xarfaha qoraalka ku kala garanaya taabashada faraha.
Maamulka diyaariyey wargeyskan dadka indhoolayaasha ah leeyihiin, waxa la gaadhsiiyey in ka badan 100,000 (boqol kun) qof oo ku nool dalka Guatemala, iyadoo ay dadka dhinaca araga naafadda ka ah si dhibyar u fahmi karaan macluumaadka uu xambaarsan yahay.
Wargeyskan oo la yidhaa Publinews waxa laga daabacay 25,000 nuqul oo dalka oo dhan lagu qaybiyey, waxaana si bille ah loogu daabici doonaa isagoo sida magaasiinka amma majallada u samaysan.
Sida lagu baahiyey barnaamijka “Game Change on America Now” oo Jamhuuriya soo xigtay, dad lagu qiyaasay 110 kun qof oo dhinaca aragga naafo ka ah ayaa ku nool dalka Guatemala, waxana wargeyskan loogu talogalay in ay la socdaan xogta iyo wararka dalkooda ka socda ee warbaahintu tebinayso.
“Dhab ahaantii garan mayno tirada dadka aragga amma maqalka naafada ka ah, mana jirto xog dhaba oo sheegaysa tiradooda iyo waxay u baahan yihiin.” Sidaa waxa yidhi Edilzar Castro Quiroz oo ka mid ah dadka ku dedaalay in ay warbaahinta noocan ah dunida ku soo kordhiyaan, ahna Agaasimaha Waxbarashada iyo Dhaqan-celinta Guddida Dadka Naafada ka ah Aragga iyo Maqalka ee Guatemala.
Masuuliyiinta wargeyskan ayaa sheegay in ay lacag la’aan ku siiyaan dadka si xogta ula socdaan, una helaan xaqa ay u leeyihiin wargelinta iyo war-helidda.
“Ka hor intii aanan aragga waayin wax waan akhriyi jiray, balse markii aan indho beelay waxaan u haystay in aanan dib wax u akhriyi doonin. Wargeyskan waxa uu na siiyey fursad aan macluumaad ku heli karno, waana wargeys na wargeliya sida ay warka u helaan dadka aan aragga naafada ka ahayn, maadaama ay ku qoran tahay farta u khaaska ah indhoolayaasha,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka fursadda u helay in ay wargeyskan akhristaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post