X

Warbixin Lagu Shaaciyay In Rubuc Ka Mid Ah Carruurta Dunida ku Nool Aanay Haysan Waxbarasho

Araweelo News Network
New York(ANN)Ku dhawaad 75 milyan oo carruur ah oo dalalkooda ay haleeleen dagaallo iyo masiibooyin dabiici ah, ayaa waqtigan si weyn ugu baahan waxbarasho iyo in loo sameeyo dugsiyo.
Sida ay shaacisay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, rubuc ka mid ah carruurta da’da dugsiyada gaadhay amma 462 milyan carruur ah oo ku nool waddamada dagaallada iyo masiibooyinku ku habsadeen, ayaa u baahan gargaar waxbarasho, waxaanay xustay in 2% gargaarka ban’aadamino ee adduunka laga wado loo qoondeeyey ubadkaas.
Qarammada Midoobay waxa ay sheegtay in aan la sugi karin in dakhli loo helo waxbarashada, waxaanay ballanqaadday in arrintan lagu soo bandhigi doono shir gargaarka bani’aadaminnimada lagaga hadlayo ee lagu qaban doono dalka Turkiga bishan lagu jiro ee May.
Shirkan waxa loogu talagalay in lagu ururiyo lacag dhan $4 bilyan si waxbarasho loogu helo 13.6 milyan carruur ah muddo shan sanno ah, halka la rajaynayo in 75 milyan oo carruur ah waxbarasho la gaadhsiiyo sannadka 2030, haddii Ilaahay yidhaa.
“Waxbarashadu nolosha waxbay ka beddeshaa. In ubadku dugsiga tagaan waxa ay ka ilaalisaa in xad-gudub loo gaysto, sida in ay ku dhacaan gacanta dadka ka ganacsada jidhka bani’aadamka (Human Traffickers) amma in ciidan laga dhigo. In ubadka wax la gashadaa waa mustaqbalka bulshada. Waxa bulshada caalamku muhiimada siinayso waa tacliinta oo ah waxyaabaha daruuriga u ah bani’aadamka,” ayey tidhi Josephine Bourne oo ah Madaxa Tacliinta ee = UNICEF.
Dalka Suuriya oo kaliya in ka badan 6 kun oo ubad ah ayaa dugsigoodii ka cararay markii la weeraray amma millaterigu qabsaday hoyga ay deggenaayeen. Dalka Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika rubuc ka mid ah dugsiyada waxbarashadu ma shaqeeyaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post