X

Waa Naxay Sababta Dadka Caqliga Badan u Jecel yihiin kelinimada.?

Cilmi-baadhis cusub oo la soo saaray, ayaa lagu sheegay in dadka caqliga badan (smart people) ay farxad dareemaan marka ay keligood yihiin, iyagoo aad ay ugu adag tahay in ay kullano iyo waqti la qaataan asxaab amma dadka ay isku da’da yihiin.
Daraasadan cusub waxa lagu ogaaday in dadka caqliga badan inta badan ee ay waqtiga la qaataan asxaabta amma la sii joogaan ay dareemaan diiqad iyo culays badan, iyadoo cilmi-baadhista oo ay sameeyeen khubaro cilmi-nafsiga ku takhasusay lagu iftiimiyey in inta qofku ku dhex jiro bulshada ay tahay inta badan ee uu farxo, balse dadka maskaxda badan ay aad u neceb yihiin in ay dadka la qaataan waqtiyo.
Mr. Satoshi Kanazawa oo ka tirsan Dugsiga Ganacsiga ee London (London School of Economic) iyo Norman Li oo ka tirsan Jaamacadda Maamulka ee Singapore, ayaa soo jeediyey in xirfadda dad dhex-galku ay muhiim dadkii hore u ahayd, balse waqtigan ay dad badan ka door bidaan kalinimada.
Labadan khabiir ee jaamacadaha kala duwan ka socda oo daraasaddan hormood ka wada ahaa, ayaa isticmaalay macluumaad ay ka hayeen daraasado muddo dheer la waday oo lagu eegay dhallinyarada da’doodu u dhexayso 18 ilaa 28 jir, waxaanay khubaradu eegayeen laba arrimood oo kala ah dabeecadda aasaasiga ah ee u dhexeeya nolosha casriga iyo habka dadkii hore amma awoowyaasheen, iyadoo loo eegayey cufsiga bulshada iyo sida ay isu dhex geli jireen.
Waxa ay ogaadeen in ku dhex noolaanshaha goob bulshadeedu aad u badan tahay ay hoos u dhigto in dad badan ku qanacsanaadaan noloshooda, gaar ahaan dadka caqliga badan ee fikirkoodu dheer yahay amma hal-abuurka leh.

Sidoo kale, warbixin lagu daabacay Washington Post oo Wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, in farxadda amma ku qanacsanaanta goobta aad ku nooshahay ay aad ugu badan tahay dadka ku dhaqan meelaha dadku ku yar yahay amma tuulooyinka.
Waxa ay khubaradu sheegeen in dadkii hore ay aad isu dhex geli jireen, balse waqtigan amma noloshan casriga ah ay aad u badanayso in qofku kalinimada aqbalo, gaar ahaan dadka caqliga badan ee bulshada ku dhex jiraa ay inta badan ka fikiraan hadafyo keena in naftooda khilaaf ka dhex abuurno, kalinimada ku keena.
Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay jariirada British Journal of Psychology oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay muujisay in dadka maskax ahaan garaadkoodu sarreeyo ay naftooda la shawraan amma kalinimada aad u jecel yihiin, halkay waqti kala qaadaan lahaayeen dadka ku xeeran.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post