X

Ubadka Lagu Seexiyo Saanta Xoolaha oo la Ogaaday in aanay Waligood Qaadi Xannuunka Xiiqda

Araweelo News Network

 

Ilma yar oo ku hurda Haraga Xoolaha

Ubadka lagu seexiyo Haraga xoolaha, gaar ahan idaha, ayaa la ogaaday in aanay qaadin waligod xannuunka xiiqda.
Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Jarmalka, ayaa ogaaday in maqaarka xoolaha amma xayawaanka ubadka lagu seexiyo saddexda bilood ee ugu horraysa ee ay dhashaan aanay qaadin xannuunka xiiqda amma asmada la yidhaa iyo waliba xasaasiyad marka ay koraan.
Waxay khubaradan xuseen in waxyaabo il-ma-qabatay ah oo haraga ku jira ay ka hortagaan xiiqda iyo xasaasiyada, kuwaasoo kor u qaada hab-dhiska difaaca ilmaha lagu seexiyo, iyagoo intaa ku daray in waqtigan casriga ah dadku ku dedaalaan nadaafadda, taasina ay keento in hab-dhiska difaacu noqdo mid aan inta badan firfircoonayn, maadaama aanu arag waxyaabo iska difaaca, taasina ay keento in qofka xannuunka haleela amma soo weerara halis geliyo.
Daraasadan cusub oo lagu eegay caafimaadka carruur tiradodu dhan tahay 2,441 ubad ah oo u dhalatay dalka Jarmalka, kuwaasoo ilaa 10 jirkoodii cilmi-baadhistu ku socotay, ayaa la ogaaday in 55% ka mid ah ubadkan oo harag xayawaanka lagu seexin jiray saddexdii bilood ee u horraysay ay 79% ka badbaadaan in xiiq amma xasaasiyad ku dhacdo, marka la barbardhigay kuwa aan lagu seexin, balse waxay daraasadu sheegtay in fursadda ay ku qaadi karaan ay tahay 49%.
“Daraasado hore ayaa lagu ogaaday in walxaha il maqabatayga ah ee meelaha baadiyaha ah ku nool ay ka hortagaan asmada. Sidoo kalena haraga xayawaanka waxa uu ubadka ka difaacaa in ay qaadaan xannuunada xiiqda iyo xasaasiyada, sida daarasadayadu xaqiijisayna waxay faa’iido u tahay in maqaarka xoolaha lagu seexiyo ilmaha, sababtoo ah hab-dhiskiisa difaaca ayaa kor u kacaya,” ayey tidhi Dr. Christina Tischer oo ka tirsan Xarunta Cilmi-baadhista ee Helmhotz Zertrum Muchen ee dalka Jarmalka, cilmi-baadhistana hor kacaysay.
Cilmi-baadhistan waxa lagu soo bandhigay shir Caalami ah oo lagu qaybtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, kaasoo ay qabteen ururka la yidhaa European Respiratory Society oo ah dallad ay ku midoobeen dhakhaatiirta hab-dhiska neef-mareenka dalalka qaaradda Yurub.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post