X

Toddoba Astaamood oo Hoggaamiye Kastaa u Baahan Yahay

Araweelo News Network

Xafiis kasta waxa uu leeyahay hoggaamiye. Dadka oo dhan waxa ay doonayaan in ay mid noqdaan, balse waxa su’aal ka taagan tahay siday u fududahay inaad noqoto madax iyo hoggaamiye?
Sida khubarada daraasadeeyey arrintan laga hayo waxa jira shan arrimood oo khaas ah oo looga baahan yahay in hoggaamiye kastaa yeesho amma lagu tababaro yeelashadooda, haddii aanay yeelanna aanay hoggaan fiican noqon.
Agaasimaha Shaqaalaha Shirkadda ELAS Group Mr. Pam Rogerson, ayaa sheegay in hoggaamiyaha wanaagsan uu yahay qof daacad ah, la isku hallayn karo, isku kalsoon, la aamini karo, ku dayosho mudan, il-dheer, caddaali ah, ballanta ilaaliya, soona jeeda garaad ahaan.
Haddaba, toddobada shay ee sida gaarka ah looga baahan yahay in hoggaamiyayaashu yeeshaan wax ka mid ah:
1. Inuu yeesho aragti:
Ma gaadhi kartid meelna ilaa aad taqaan meesha aad doonayso inaad gaadho amma aanad awood u lahayn inaad dadka kula shaqaynaya jidkaaga ku soo riddo si ay kuula jaan qadaan.
“Hoggaamiyayaashu waa inay rajaynayaan in ay arkaan mashruuc dhammaadka ilaa bilowga, leeyihiinna hab-dhaqan xooggan iyo mabaadii ku dhisan darsid. Inaad dhisto, kana shaqaysiiso ganacsi si uu u guulaysto waxay u baahan tahay inaad dhaqan-wanaag la timaad.” Sidaa waxa yidhi Sharon Richey oo ah Agaasimaha Shirkadda suuq-geynta caalamka ugu haysata ee BEcause.
2. Inaad dhisto xirfad-wadareed:
In aad dhisto, heshana koox kula shaqaysa oo faa’iido kuu keenta waxaad u baahan tahay inaad ogaato xirfad noocee ah iyo shaqsiyaad noocee ah ayaa loo baahan yahay si aad u samayso koox wada-shaqayn iyo saaxiibtinimo leh. Tusaale ahaan, tababaraha amma maareeyaha koox kubbadda cagta ah oo wanaagsan leh waxa ay u baahan tahay inuu yeesho xirfad saaxiibtinimo.
3. Qalbi furnaan, wacyi ogaansho iyo aaminaad:
Waxa muhiim ah in qofku uu naftiisa aamino, noqdana qof qalbi-furan, dhiirrigelin badanna leh, aadna u jecel dhaliisha wax dhista ee loo soo jeediyo. Marka aad dhisayso kooxdaa waxa aad u baahan tahay inaad hubiso meelaha aad ku jilicsan tahay amma aanad ku fiicnayn, si aad u hesho koox ku fiican oo baahidaas daboosha. Waa inaad tustaa inaad jeceshahay waxaad doonayso inaad gaadho…. La soco…..

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post