X

Sucuudiga: Magaalada Dadkeedu ugu Sigaar Cabka Badan Yahay

Araweelo News Network

Xog-xisaabeed (Statistics) iyo daraasado laga sameeyey dalka Sucuudiga, ayaa daaha ka fayday in magaalada Tabuk tahay goobta ay ku nool yihiin ragga ugu sigaarya cabka badan waddankaas.
Waxa xogtan iftiimisay in celcelis ahaan 32% dadka sigaarka ka cabba bulshadan yihiin da’da 15 jirka. Sidoo kale, magaalada dadkeedu ugu sigaarya cabka yar yihiin waa Gobolka Asir oo 11% dadkeeda ah cabbaan sigaarka. Inta kale ee dalka waxa sigaarka qiijiya 20% dad’oodu celcelis ahaan 15 jirka tahay.
Dalka Sucuudiga waxa laga helay in 0.31% haweenka ka mid ah ay sigaarka cabbaan, iyadoo tiradaasna lagu tilmaamay mid aad u yar.
Agaasimaha Ka-hortagha Cabbista Sigaarka Sucuudiga Mr. Imad al-Asha, ayaa sheegay in qiijinta sigaarku aad ugu sii badanayso bulshada dalkiisa, gaar ahaan ardayda oo uu caddeeyey inay yihiin dadka aadka u cabba sigaarka.
Xaruntu waxa ay samaysay xog-ururin ku saabsan heerka sigaar cabka, waxaanay soo saartay kiisas cajiiba oo ay sheegtay in ardayda 10 jirka ka yar ee dugsiyada hoose dhigta qaar ka mid ah sigaarka cabbaan, taasina ay keentay in kormeer joogto ah lagu sameeyo dugsiyada si looga hortago khatartaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post