Araweelo News Network

sigaarcabayaXog-xisaabeed (Statistics) iyo daraasado laga sameeyey dalka Sucuudiga, ayaa daaha ka fayday in magaalada Tabuk tahay goobta ay ku nool yihiin ragga ugu sigaarya cabka badan waddankaas.
Waxa xogtan iftiimisay in celcelis ahaan 32% dadka sigaarka ka cabba bulshadan yihiin da’da 15 jirka. Sidoo kale, magaalada dadkeedu ugu sigaarya cabka yar yihiin waa Gobolka Asir oo 11% dadkeeda ah cabbaan sigaarka. Inta kale ee dalka waxa sigaarka qiijiya 20% dad’oodu celcelis ahaan 15 jirka tahay.
Dalka Sucuudiga waxa laga helay in 0.31% haweenka ka mid ah ay sigaarka cabbaan, iyadoo tiradaasna lagu tilmaamay mid aad u yar.
Agaasimaha Ka-hortagha Cabbista Sigaarka Sucuudiga Mr. Imad al-Asha, ayaa sheegay in qiijinta sigaarku aad ugu sii badanayso bulshada dalkiisa, gaar ahaan ardayda oo uu caddeeyey inay yihiin dadka aadka u cabba sigaarka.
Xaruntu waxa ay samaysay xog-ururin ku saabsan heerka sigaar cabka, waxaanay soo saartay kiisas cajiiba oo ay sheegtay in ardayda 10 jirka ka yar ee dugsiyada hoose dhigta qaar ka mid ah sigaarka cabbaan, taasina ay keentay in kormeer joogto ah lagu sameeyo dugsiyada si looga hortago khatartaas.