X

Soomaali Ah Oo Noqday Qofkii Ugu Da’ada Yaraa Ee Qaata Shahaadada PHD

Araweelo News Network

Mursal oo guddoomaya shahaadada PhD

Philippines, Dagupan(ANN)-Jaamacad ku taala dalka Philippines ayaa wiil Soomaali ah u aqoonsatay in uu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee abid  qaata shahaadada PhD-ga oo ah tan ugu saraysa, waxayna guddoonsiisay shahaado sharaf.

Wiilkan oo magaciisu yahay Mursal Suldaan Cabdullaahi Saalax ayaa ka qalin jabiyay jaamacada Luzon ee magaalada Dagupan ee dalka Philippines, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad illaa tan ugu dambeysa.

Mursal oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in uu ku dhashay magaalada Baraagaha Qol ee gobolka Sanaag, waxbarashadiisa hoose dhexe uu ku qaatay magaalada Boosaaso, halkaas oo markii dambe jaamacadda uga anbaxbay.

Mursal Suldaan Cabdullaahi Saalax
“Waxaan wax u bartay dalkeyga Hooyo, isaga ayaanan doonayaa in aan aqoontayda ku celiyo, waxaanan ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed in ay wax bartaan, dalkoodana ku laabtaan, oo ay iska dhaafaan tahriibta” ayuu yidhi Mursal oo khadka taleefoonka BBC-da ugu waramay.

Maamulka jaamacada Luzon ayaa Mursal ku ammaanay dadaalkiisa sida ka muuqata shahaado sharafta la gudoonsiiyay, waxayna sheegeen in Mursal oo 27 jir ah uu galay diiwaanka taariikhda jaamacadda.

 

Mursal ayaa sheegay in waalidkii ay ku dhiirogaliyeen waxbarashadda iyo in uu ka gaadho heerka ugu sareeya, wuxuuna sheegay in sababta uu u noqday qofka ugu da’da yar ay tahay in dadka intooda badan marka shahaahada koowaad qaataan ay shaqo tagaan, balse isaga uu joogteeyay waxbarashada.

Waxa uu qaatay shahaadada ugu sareysa, isaga oo ku qaatay cilmiga maamulka iyo maareynta, isaga oo jecel in uu Soomaaliya dib ugu laabto.

Mursal iyo Ardaydii kale ee ay isla qalin jabiyeen
“Waad iska fahmaysaa ardaynimo horta wax sahlan ma ahan, waliba marka aad wax ka baranaysid meel aan ahayn waddankaagii, waxa ay u baahantahay dhabar adeyg, caqabado badan ayay leedahay, balse alle ayaa ii suurtogaliyay riyadaydii aan ku taami jiray illaa yaraanteydii” ayuu yidhi Mursal.

Wiilkan Soomaaliga ah waxa uu ka mid yahay dhalinyaro tiradooda sii kordhayso oo dalka dibediisa waxbarasho u raadsanaya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post