X

Somaliland: Dood La Xidhiidha Tacadiyada Ay La Kulmaan Dadka La Nool HIV/AIDS

Dooda dadka la nool HIV/AIDS ee Somaliland.

Hargesa(ANN)-Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka Somaliland oo kaashanaya Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, ayaa soo qaban-qaabiyay dood lagu falanqeeyay dhibaatooyinka iyo tacadiyada ay la kulmaan dadka la nool HIV/AIDS-ka.


Dood oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa qayb ka ahayd Ololaha 16-ka maalmood ee loogu magac -daray ee ilaalinta Xuquuqda Dadka u nugul HIV/AIDS-ka, kuwaas oo inta la ogyahay tiradooda lagu qiyaasay ku dhowaad 12, 000 qof oo u baddan haween.

Ujeedada dooda oo ahayd sidii ay dadka la nool xanuunkaa u heli lahaayeen daryeel iyo inaan lagu takoorin xanuunka lasoo dersay, isla markaana bulshada looga wacyigelin lahaa, waxa Intii aanay doodu si rasmi ah u bilaabmin madasha hadallo kooban ka jeediyey agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan. waxayna labaduba ka warrameen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dadka la nool HIV/AIDS iyo Doorka kaga aaddan wax-tarka dadkaas Wasaaradda iyo Komishanka.

Dr. Cabdiraxmaan Cabdulllaahi Maxamed oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Luul Aadan Geeddi oo ka socotay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, Aasiya Cabdiraxmaan Axmed oo ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland iyo Guuleed Cismaan Cabdikariin oo ah Guddoomiyaha Ururka Talo-wadaag oo taageera Dadka danyarta ah ee la nool HIV/AIDS iyo Cabdillaahi Maxamed Bile oo ka socday Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa si mugleh uga dooday mawduuca doodu ku qotontay.

Waxaana si guud uga waramay Tacaddiyada ay la kulmaan Dadka la nool HIV/AIDS iyo xalka caqabadaha lagaga gudbi karo dhibaatooyinka jira, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed iyo Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Bile oo ka socday Komishanka Xuquuqda Aadamaha, waxayna labaduba qireen sida loogu baahanyahay in meesha looga saaro, isla markaana la garab-istaago dadka la nool xanuunka ee u nugul tacadiyada ay kala kulmaan bulshada inteeda kale.

Geba-gabadii Xubnaha kale ee doodda ka qaybgalay . ayaa soo jeediyey in la joojiyo takoorka ay Bulshadu ku hayso dadka la nool HIV/AIDS, iyagoo tilmaamay in loo baahan yahay inay dowladdu hirgeliso shuruuc dadka xanuunka la nool ilaalinaya xuquuqdooda, kana difaaca tacaddiyada ka dhanka ah ee bulshada kaga imanaya, isla markaana xaddida, qabtana cidda fidisa xanuunka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post