X

Shaqoooyinka Loolanku ku Badan Yahay Oo La Ogaaday In Ay Yihiin Kuwo Maskaxda u Wanaagsan

Araweelo News Network

Khubaro u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa iftiimiyey in shaqooyinka loolanka ama aadka u dhibta badan ay maskaxda u fiican yihiin, dadka ka shaqeeyaana aanay waligood asaasaqin (haddii Ilaahay sidaas u qadaro).

Dhakhaatiirta, garyaqaannada iyo macallimiinta, ayaa la ogaaday in ay yihiin dadka xagga maskaxda ugu awoodda badan bani’aadamka, isla markaana aanay maskaxdoodu gaboobin.

Haddaba, daraasaddu waxay sheegtay in dadka ka shaqeeya shaqooyinka xirfadda u baahan ay maskaxda qofka kobciyaan, iyagoo xusay in xaataa haddii shaqadu tahay mid loolan badan waxay qofka ka caawisaa in xusuustiisu fiicnaado, helana khibrad iyo waayo-aragnimo keenta inuu fikir dheeraado.

Khubaradan ka tirsan Jaamacadda Edinburgh ee dalka Ingiriisku, waxay sheegeen in dadka tacliinta dhiga ama maamulka ah ay inta badan noqdaan qaar xasuus iyo fikir badan, kadib markii la tijaabiyey.
Dadka shaqooyinkan ka hawlgala ayaa ilaa 70 jirka awoodda maskaxdoodu sii shaqaysaa, noqotaana mid aan waxba iska dhimin, khubaraduna waxxay sheegeen in bee’ada ay inta badan ku dhex jiraan sababto in aan maskaxdoodu hore u gaboobin.

Khubaradan oo ku takhasustay cilmi-nafsiga waxay baadhitaan ku sameeyeen dad tiradoodu dhan tahay 1,066 qof oo ay xagga xasuustaa, maskaxda awooddeeda iyo fikirka guud ka tijaabiyeen, waxaana u soo baxday in dadka shaqooyinka xirfadda u baahan ee aadka u dhibta badan hayaa ay yihiin kuwa ugu maskaxda badan.
Dr. Alan Go woo ka tirsan Jaamacadda Heriot-Wat University, kana mid ah khubarada daraasadan diyaarisay, ayaa sheegay in daraasadan muhiim u tahay in la ogaado shaqooyinka u fiican maskaxda, waxaannu yidhi; “Waa hdib in dadka maskaxdoodu xagga fahanka ku fiican tahay ay inta badan hayaan shaqo aad u adag oo faa’iido u leh xagga maskaxda iyo fikirka.”

Dadka baadhitaanka lagu sameeyey ayaa ahaa dadkii dhashay 1939kii, kuwaas oo ka qaybqaatay xog-ururin xagga maskaxda ah oo Scotland laga sameeyey 1947kii.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post