X

Shan Saacadood Oo Maalintii TV-ga Daawato Waxay Sababi Kartaa In Xididada Dhiiggu Ku Xidhmaan

Araweelo News Network

Daawashada TV-ga

Daawashada xad-dhaafka ah ee telefiishanku, waxa ay dadka ku keentaa khatar aad u badan oo keenta inay gufaysmaan, isla markaana xinjiro fadhiistaan xididada dhiigga qaada ee jidhka qofka bani’aadamka ah.

Sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo la soo saaray, hor fadhigga TV-ga celcelis ahaan 5 saacadood iyo wax ka badan waxa ay qofka ku keentaa in xididida dhiigga qaada awdmaan, qofkana ay la soo daristo xaaladda la yidhaa pulmonary embolism (Waa xaalad keenta in dhuumaha dhiigga wadnaha ka soo qaada ee sambabada geeya gufaysmaan).

Sidoo kale, cilmi-baadhistu waxa ay sheegtay in laba saacadood iyo badh haddii la caadaysto daawashada shaashada ama muraayadda TV-ga ay qofka ku keento xannuuno badan.

Cilmi-baadhayaal ka socday Jaamacadda Osaka University ee dalka Japan, ayaa baadhitaan socday muddo 18 sannadood ah ku sameeyey 86,000 (86 kun) oo qof, waxay ku ogaadeen in dadka daawada telefiishanka saacado badan, isla markaana aan mar qudha kicin ay khatar caafimad-darro halis u yihiin, waxayna soo jeediyeen in qofku mar kasta kaco, kadibna biyo cabbo si uu uga hor tago in dhiiggu xinjiroobo.

Xaaladdan xinjirawga ama in xidiidada dhuumaha wadnaha dhiigga ka qaada ee Sambabada geeya awdmaan, waxa sannad kasta dalka Ingiriiska u geeriyooda dad lagu qiyaasay 60,000 (lixdan kun) oo qof.
Cilmi-baadhistan oo lagu soo bandhigay shir ay qabsadaan ururka ay ku bahoobeen Dhakhaatiirta Wadnaha Yurub (European Society of Cardiology) oo ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa dadka looga digay in ay badsadaan fadhiga, gaar ahaan ay saacado badan ku qaataan daawashada telefiishanka.

Dr. Toru Shirakawa oo cilmi-baadhistan hoggaaminayey, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee la ogaaday in daawashada badan ee telefiishanku ay keento xaaladan halista ah. Waxa uu intaa ku daray in aan la garanay sababta, balse waxa uu sheegay in fadhiga badan dhiiggu ku xinjiroobo.

Xaaladaha Lagu Garto Xin-jirawga Dhuumaha Dhiigga Wadnaha ka Qaada

Xaaladda xinjirawga xididada dhiigga ee wadnaha (Pulmonary Embolism) waa xaaladda keenta in dhuumaha dhiigga wadnaha ka qaada (Pulmonary Artery) ay gufaysmaan, kadibna dhiiggu gaadhi waayo sambabada qofka, iyadoo ay mararka qaar aad u adag tahay in la garto astaamaha xaaladaas, sababtoo ah dadku way ku kala duwan yihiin, laakiin astaamaha ugu waaweyn ee caanka ah waxa ka mid ah:
• Laab-garaac (xannuun): Laab-garaac ama xannuun ka sii darta mar kasta oo qofku neefsado.
• Neef qabatimaw: neefta oo qofka si fiican uga soo bixi wayda.
• Qufac: qufaca ka soo baxa waa mid inta badan qalalan, waxaana mararka qaar soo raaca dhiig ama xab ka kooban dhiig.
• Qofka oo daal badan ama tabcaan noqda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post