X

Saynisyahanno soo Saaray Baradho Dawo ka Noqon Karta Nafaqo-darrada Carruurta

Araweelo News Network

Saynisyahanno u dhashay dalka Gaana (Ghana) ee galbeedka Afrika, ayaa soo saaray nooc ka mid ah baradhada oo ay aaminsan yihiin in ay dawo u noqon doonto nafaqo darro tiro badan ee daashatay carruurta Afrika.
Baradhadan oo midabkeedu yahay liimi (Orange) waxa ku badan faytamiinka la yidhaa “A” kaasoo carruurta ka caawiya in nafaqo-darrada ay iska difaacaan.
Sida ay sheegtay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, afartii carruur ahba mid ka mid ah ayey ku dhacda nafaqo-darro dalka Gaana, sababtoo caafimaad-darro aawadeed, balse khubaradan caafimaad ayaa aaminsan in khudrada ay ku guulaysteen in ay soo saaraan waxa ay u baahan doontaa in xaddi badan laga soo saaro si carruurta nafaqadooda loogu ilaaliyo.
Baradhada noocan ah waxa lagu bixiyey lacag aad u badan si cilmi-baadhis loogu sameeyo, iyadoo saynisyahannadu hubiyey heerka nafaqo ee ay siin karto qofka cuna.
Waxa hadda loo qaybiyey dadka leh moofooyinka iyo goobaha ganacsan si ay uga faa’iidaystaan, cuntadana ugu daraan, ilaa haddana waxa socda daraasada baradhadan lagu samaynaayo oo hay’adaha caalamiga ah maalgelinayaan, maadaama dawladda Gaana ay aad u xadiday lacagaha lagu bixiyo daraasada sayniska.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post