Qaybtii Labaad, By. Sulaymaan Axmed Yuusuf
Qaabka uu yahay qofka sigaarka cabba
Gebi ahaanba qofka sigaarka cabba waxa ka soo baxaysa ur iyo raa’ixo aad u qadhmuun, oo dhibaysa dadka jaarka la ah, sida xaaskiisa, dadka muslimiinta ah ee salaadda uu la tukanayo iyo guud ahaan dadka ku ag dhowba. Nabi Muxamad (S.C.W) qofka soo cunay basasha oo ah shay xalaal ah ayuu faray in uu ka fagaado masaajidka. Maxaad ka filaysaa qof xaaraan soo cabbay?
Walaalka sigaarka cabbaw, dharkaagii, jidhkaagii iyo Afkaagiba urtii sigaarka ee qadhmuunayd ayaa ka soo uraysa, waxaanna suuragal ah in uu kugu sameeyo suus, isla markaana muuqaalkaaga iyo cidiyahaaguba madoobaadeen.
Sanbabka qofka sigaarka cabba qiiq baa isku uma xidhay, cunuhu uma badbaado, qofka oo yar baa gabaw kaa muuqdaa, dharkiisuna in badan waxa suurogal ah in uu la daldaloolo dhuxulo sigaar ah oo ku dhacay, waxaanna suuragal ah in ubadkana loo horseedo dariiq xun oo ah inay cabbaan sigaarka. Bal u fiirso sida qofka sigaarya cabka ahi iskaga hor imanayo: sababtoo ah sigaarkii buu qiijinayaa, ubadkiisana ma jecla inay sigaar cabbaan ama waa loo diidayaa.
Waxa xusid mudan in aqoonyahano badan ay sheegeen in ay suuragal tahay qofka in uu ka dhigo madhalays ama uu yaraado taranka iyo hammaduba.
Dedaalada Lagu Fidinayo Cabbista Sigaarka
Baadhitaano rasmiya ayaa sheegaya in xayeysiiska sigaarka lagu bixiyo sannadkii ay gaadhayso lacag dhan 4 bilyan oo doolar. Lacagta aad sigaarka ku cabbaysid waxaad awoodaa labadii maalmood ee kastaba inaad ku iibisid kitaab Qur.aan ah, kadibna aad masjidka dhigtid, bal xisaabi imisaad ajar naftaadi ka qadisay?!
Dhinaca Diinta Islaamka
Xukunka Cabbista Sigaarka
Sigaarka in la cabbo waa xaraan, waxaana daliil u ah:
Allaah isaga oo innooga warramaya Nebigiisa waxa uu ku yidhi Aayadda 157aad ee suuradda Al-acraaf; “(Nabi Muxammad) wuxuu u xalaalaynayaa ummadda loo soo diray waxa wanaagsan, wuxuunna ka xaaraantimaynayaa waxa xun.” Sidaa darteed, sigaarku wuxuu ku jiraa waxyaabaha xun ee aadka u liita, markhaatina waxaa ka ah kan cabbaya.
Waxa kaloo Ilaahay (SWT) yidhi; “Waxay ku waydiinayaan (Nebi Muxammadaw) maxaa naloo xalaaleeyey? Waxa aad ku tidhaahdaa waxa la idiin xalaaleeyey waxa wanaagsan…” Bilawga Aayadda 4aad ee suuradda Al-maa’iida.
Sigaarkuna wax wanaagsan ma aha ee waa dilaa khatar ah. Weliba dil qarsoon oo aan degdeg ahayn, sidoo kalena wuxuu dilayaa dadka lagu ag-cabbo.
Sidoo kale, dhammaadka aayadda 29aad ee suurratul Al-nisaa ee qur’aanka kariimka ah, waxa Ilaahay ku yidhi; “…Nafihiina ha dilina Allaah wuxuu ahaadey mid idiin naxariis badan.”
Aayaddan Qur’aanka waxaa lagu fasiray laba tafsiir oo labaduba ku dhaboobabayaan sigaarka. Ka koowaad waxa weeye, Allaah wuxuu inaga reebayaa inaynu nafteena dilno, sigaarkuna nafta waa dilayaa. Tafsiirka labaad ee lagu fasirey waxa weeye “Walaalihiin ha dilinina”, qofka sigaarka ku cabba meel dad la joogo ama ka ag-dhow yihiin waxa aan shaki ku jirin in uu walaalihii laynayo.
Aayadda 195aad ee Suuradda Al-baqra, waxa Ilaahay inooga digay in aynaan nafteena halaag ku tuurin, gacmaheenna isku halligin, qofka sigaarka cabbayaana naftiisa halaag buu ku tuurayaa, sidaas darteed, waa inuu aayadahan wax ku qaato, naftiisana ka joojiyo isticmaalka sigaarka dilaaga ah.
Sigaarku waa israaf iyo xoolihii Allaah uu ku siiyey oo aad dayacaysid ama gubaysid, wuxuunna Ilaahay (SWT) ku yidhi Aayadda 31aad ee suurrada Al-acraaf, “Israaf ha samaynina Allaah ma jecla cidda israafka samaysa.”
Qofka sigaarka cabbayaana waa israaf fale oo xoolihii ayuu ku ciyaarayaa, bal waxa uu ku iibsanayaa wax naftiisa iyo tan walaalihiiba dilaya.
Mar kale, waxa Allaah inoogu sheegay QUR’AANKA kariimka ah; “ْXoolihiina ha daadinina daadin, kuwa maalka daadiya waxa ay la walaal yihiin shayaadiinta shaydaankuna wuxuu ku gaaloobay Rabbigii in badan.”
Shaydaanka waxay kala mid yihiin xagga xoolo daadinta iyo dhanka in lala yimaado xaaraanta iyo in lala iman waayo daacadda.
Nabigeenna suubbani (NNKHA) wuxuu reebay in xoolaha la dayaco.
عَنِ الشَّعْبِيِّ، حَدَّثَنِي كَاتِبُ المغيرة بْنِ شُعْبَةَ، قَالَ: كَتَبَ مُعَاوِيَةُ إِلَى المُغِيرَةِ بْنِ شُعْبَةَ: أَنِ اكْتُبْ إِلَيَّ بِشَيْءٍ سَمِعْتَهُ مِنَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَكَتَبَ إِلَيْهِ: سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: ” إِنَّ اللَّهَ كَرِهَ لَكُمْ ثَلاَثًا: قِيلَ وَقَالَ، وَإِضَاعَةَ المَالِ، وَكَثْرَةَ السُّؤَالِ ” رواه البخاري في صحيحه (1477)
Xadiiskan Nebi Muxammad C.S.W wuxuu inaga reebayaa inaynu xoolaha dayacno oo aynu ku bixino waxaan loogu talogelin, maxaa ka wayn inaad xannuun dilaa ah aad siisato maalkaaga.
عن ابْنِ مَسْعُودٍ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : (( لاَ تَزُولُ قَدَمَا عَبْدٍ يَوْمَ الْقِيَامَةِ حَتَّى يُسْأَلَ عَنْ أربع)) وذكر منها (( وَعَنْ مَالِهِ مِنْ أَيْنَ اكْتَسَبَهُ وَفِيمَا أَنْفَقَهُ )) رواه الترمذي (2416 )
وقواه الألباني –رحمه الله – في الصحيحة (946)
Nebigeena suubbani CSW wuxuu inoo sheegay qofna in aanu ka dhaqaaqayn banka qiyaame ilaa la waydiiyo afar arrimood, waxaa ka mid ah afartaas “xooluhu xagay kaa soo galeen iyo xagaad ku bixisay?. Walaalka sigaarka cabbaw maxaad ku jawaabi dharaarta qiyaame marka lagu waydiiyo xoolahaagii xagee ku bixisay?
Shirkadaha soo sameeya sigaarka waxa u badan yihiin Yuhuudda iyo kuwa la halmaala. Lacagtaa faraha badan ma cadawgeenna ayeynu siinaa, beddelkeedana ma waxaynu qaadanaa xannuun ka khatar badan xannuunada halista ah.
وثبت عن نبينا الكريم – عليه الصلاة والسلام أنه قال : ” لا ضرر ولا ضرار ” رواه ابن ماجه وغيره وقواه العلامة الألباني في الإرواء حديث رقم (896)
Nabi Muxamad CSW wuxuu yidhi “Dhib ma jirto iyo dhibaatayn “dhibaato ma jirto oo sharcigu ma ogola dhibka in qof walaalkiis dhibona sharcigu waa diiday.
Sigaarkuna waa dhib aanay wax dheef ahi ku jirin iyo dhibis aan gar loo haysan.
قال سبحانه وتعالى : { وَإِثْمُهُمَا أَكْبَرُ مِن نَّفْعِهِمَا } [البقرة:219]
Rabbi markii uu khamriga iyo khamaarka uu xaaraantimeeyay wuxuu sheegay in uu waxtar leeyahay, laakiin waxtarka waxaa ka badan dhibtiisa, sidaa daraadeed xaaraan buu noqday laakiin sigaarku isagaa ka liita khamriga oo wax dheef ah ma leh haba yaraatee.
Dhibaatada Dhaqaalaha
Maalin kasta 15 bilyan oo xabbo oo sigaar ah ayaa lagu iibiyaa daafaha dunida, waxaas oo maal ah waxaa lagu bixinayaa wax nafta dilaya, xoolaheeniina dad kale ayaa aynu siinaynaa. Ka warran haddii aad maalin walba xoolahaaga inta aad sigaarka siinayso aad ku ridid kudaafadda ama dab sudho, waa lagu la yaabi lahaa oo la odhan lahaa wuu waashay, laakiin waxa ka sii daran inaad ku iibsato wax ku dilaya oo dadka kula joogana aad ku dilaysid.
Dhagarqabayaasha Sigaarka Sameeyaa Yey Ugaadhsanayaan?
Waxa ay inta badan xoogga saaraan dadka yaryar, arrinkaasna waa ay caddeeyeen welibana dadka da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 19 sannadood. Waayo waxaa lodkaas ku yar waayo-aragnimada hadhawna marka ay weynaadaan ayaa ay ka murugoodaan.
Kaganacsiga sigaarka
In laga ganacsado waa xaaraan
عنْ بَرَكَةَ بْنِ الْعُرْيَانِ الْمُجَاشِعِيِّ، قَالَ: سَمِعْتُ ابْنَ عَبَّاسٍ، يُحَدِّثُ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ” … وَإِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ إِذَا حَرَّمَ أَكْلَ شَيْءٍ، حَرَّمَ ثَمَنَهُ ” رواه أحمد (4\ 416) الرسالة بإسناد صحيح
Nebi Muxammad CSW wuxuu yidhi; “haddii Allaah uu xaaraantimeeyo shay wuxuu xaaraantimeeyaa lacagtiisa iyo in laga ganacsado.” Markaa sigaarku waa xaraan in laga ganacsadaana waa xaraan.
Ganacsade, ma kula haboontay in ummaddaada in ay xannuunada khatar ta ahi ku bataan? Ganacsade, maskaxdaada ma ku soo dhacday maalina inay suuragal tahay in nafo badan laguu qabsado aakhiro?.
Go’aan Adag oo aan Noqosho Lahayn ka Qaado Kansarka Lugaynaya
Saxaabadu markii Allaah soo dejiyey aayadda Qur’aanka ah ee macnaheedu yahay ka fogaada khamriga iyaga oo la qabsaday, go’aan ayay ka qaateen waxaa ayna ku daadiyeen waddooyinka.
Bal ufiirso walaalkayaw xadiiskan:
عَنْ أَبِي قَتَادَةَ، وَأَبِي الدَّهْمَاءِ، قَالَا: أَتَيْنَا عَلَى رَجُلٍ مِنْ أَهْلِ الْبَادِيَةِ فَقُلْنَا: هَلْ سَمِعْتَ مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ شَيْئًا؟ قَالَ: نَعَمْ، سَمِعْتُهُ يَقُولُ: ” إِنَّكَ لَنْ تَدَعَ شَيْئًا لِلَّهِ إِلَّا بَدَّلَكَ اللهُ بِهِ مَا هُوَ خَيْرٌ لَكَ مِنْهُ ” أحمد (5 / 363)
Nabi Muxamad S.C.W wuxuu yidhi “adigu shay ugama tagtid Allaah dartiis hadday sidaasi dhacdo Allaah wuxuu kuugu badalayaa wax ka khayr badan “
Iimaanka, himilada sare iyo ducada Allaah la baryaa waxay qofka ugu kaalmaynayaan inuusan sigaarka dib u cabbin.
La soco qayb kale…