ninnafadaahNin ku dhashay gacmo la’aan oo aan Alle u samayn, ayaa ka qallin-jebiyey Jaamacadda Uganda (Uganda University), isagoo qaatay shahaadada koowaad ee dibloomada.
Ninkan oo Alle hibbo u siiyey inuu qoraalka u isticmaalo cagaha amma faraha hore ee cagaha, ayaa fartiisu aad u qurux badan tahay, dhibco aad u sarreeyana kaga baxay jaamacadda, kadib markii Jaamacaddu u oggolaatay inuu dhigan karo, laguna qiimeeyey waxbarashada dadban amma dadka waaweyn.
Wiilkan laxaadka la’ oo la yidhaah Didas Byaruhanga oo 25 jir ah, isla markaana dhashay isagoo aan wax gacmo ah lahayn, waxa uu bartay horumarinta bulshada (adult and Community Development) oo uu ka dhigtay Jaamacadda Uganda ee ku taala magaalada Kyambogo.
Waxa ninkan lagu abaalmariyey shahaado kale oo dibloma ah oo uu qaatay January 27, 2016. Waxa kaloo uu sheegay inuu rajaynayo sidii uu u sii wadan lahaa shahaado digrii ah (degree) oo dhinaca sharciga ah (LLB).
Dhammaan dadkii madasha xafladda qallin-jebinta ka soo qaybgalay waxay aad ugu farxeen markii shahaadada la guddoonsiinayey, iyagoo dhammaantood u kacay, una hambalyeeyey geesinimada uu muujiyey iyo aqoonta uu kasbaday.