X

Murugada Xad-dhaafka ah Iyo Farxadduba Waxay Dhaawici Karaan Qalbigaaga

Araweelo News Network

Sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo la soo saaray, farxadda iyo murugada xad-dhaafka ah waxay jabin karaan qalbiga qofka, taasoo sababi karta halis dhinaca caafimaadka ah.
Waxa kaloo la oggaaday in farxadda amma murugada beddela caadifadda qofku ay qayb ka yihiin xannuunada wadnaha ku dhaca (Broken Heart Syndrome) amma qalbi jabka ku rida oo sannad kasta sameeya 6,000 qof oo ku nool dalka Ingiriiska, iyadoo sidoo kale keenta in mararka qaarkood uu wadnuhu is xidho.
Inta badan kiisaska noocan ah waxa sababa xaalad caddiifadeed oo qofka si degdeg ah ula kulanta sida in wax aad uga farxiya uu si dhakhso ah ku arko amma xidhiidh qof uu jeclaa oo ay kala tagaan, balse cilmi-baadhis laga sameeyey sagaal dal oo addduunka ah waxa lagu ogaaday in farxadda xad-dhaafk ah ay keeni karto in wadnuhu istaagi karo si degdeg ah.
Xannuunkan oo khubarada baadhay u bixiyeen Takotsubo Syndrome, waxa uu dhacaa marka qofku si degdeg ah u farxo, waxaanay dhakhaatiirtu heleen xannuunkan sannadkii 1990kii, kadib markii la ogaaday in qaar ka mid ah bukaannada la baadhay aan wadnuhu u istaagin xidid is xidhay amma wadno xannuun ku soo booday, balse farxad ay farxeen keentay.
Sidoo kale, cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda University Hospital Zurich ee dalka Switzerland, waxa ay sheegtay in dad aad u tiro yar ay u dhintaan farxadda oo keenta in wadnuhu istaago amma qalbigu si fudud ku jabo.
Daraasadan oo lagu dabaacay jariirada European Heart Journal oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay ku salaysnayd baadhitaan lagu sameeyey 1,750 qof oo bukaan ah oo sagaal dal ka soo kala jeeda.
Bukaannada la baadhay 458 ka mid ah waxa la ogaaday in xaaladood ay 96% sababtay murugo ah qof ay jeclaayeen oo ka geeriyooday amma ka tegay, halka 20 qof oo kaliya farxad ay farxeen ku keentay in waxyeelo soo gaadho wadnahooda.
“Dhakhaatiirtu waa in ay arrintan ogaadaan, tixgeliyaana bukaannada la keeno waaxda gargaarka ee ay ka helaan astaamaha wadno xannuunka sida laab xannuun, neefta oo ku yaraada amma naqaska oo ku dhega, sidaa darteed, marka uu qofku farxad aad ah farxo waxa laga yaabaa inuu haleelay xannuun (Tukotsubo) ee wadnaha istaajiya, waxaannu la mid noqdaa qofka wadnuhu istaago,” ayuu yidhi Dr. Jelene Ghadri oo ka mid ah khubarada diyaariyey cilmi-baadhistan la xidhiidha waxyeelada ka dhalata farxadda amma murugada degdeg ah.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post