X

Milixda Oo La Ogaaday Inay Maqaarka ka Ilaaliso Jeermiska Oo Xoojiso Hab-dhiska Difaaca Cudurrada

Quudashada milixda aadka u badan oo hore loo sheegay in ay sababto dhiig kar, wadno xannuun iyo kansarka caloosha ku dhaca, ayaa hadda cilmi-badhayaal u dhashay dalka Jarmalku sheegeen in ay difaac wanaagsan u noqoto maqaarka, isla markaana ay xoojiso hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhka.

Cuntada ay aad ugu badan tahay macdanta Sodium amma milixdu ayaa lagu xusay daraasada in ay maqaarka u yeesho awood uu iska difaaco cudur-sidayaasha iyo jeermiska dibada kaga imaanaya, gaar ahaan kuwa sababa caabuqa iyo xanuunada maqaarka.

Tijaabo ay sameeyeen cilmi-badhashaayaal Jarmalka ah oo lagu tijaabiyay jiir, iyagoo xaddi aad u badan oo milix ah quudiyey, kadibna ay arkeen nabaro caabuqay oo cagaha kaga yaalay oo si dhakhso ah u bogsaday.

Cilmi-badhayaashu markay baadhitaan sameeyeen waxay oggaadeen in milixdaas kor u qaoay awoodda unugyada difaaca jidhka, gaar ahaan noocyada loo yaqaan Macrophages, kuwaasoo awood u yeesha in ay ka jawabaan caabuqa ay sababaan jeermiska iyo cudursidayaasha kale ee bakteeriyadu ugu horrayso.

Daraasada oo lagu daabacay jariirada Cell Metabolism la yidhaa, waxa ay hoosta ka xarriiqday habka milixdu uga hortagi karto caabuqyada diirka bani’aadamka iyo xayawaanka soo asiiba.

Prof. Jonathan Jantsch oo ka tirsan Jaamacadda Regensburg, ayaa xusay in milixda wadno xannuunka sababto, balse hadda daraasadoodan lagu ogaaday in ay faa’iido badan u leedahay maqaarka.

“Daraasadaydan waxay iftiimisay in milixdu ay daawo ka dacay caabuqa oo ay xataa ka awood badan tahay daawooyinka ka hortaga caabuqa, qofka quuta milix aad u badana, waxa kaydsada maqaarka, gaar ahaan dadka waaweyn, inkastoo ay ku keeni karto dhiig karta iyo inuu halis u galo wadno xannuun, iyo waliba kansarka caloosha ku dhaca, haddana maqaarku waa u faa’iido,” ayuu yidhi Prof. Jantsch.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post