X

Maxbuus Jeel ku Jira oo ka Qallin-jebiyey Jaamacad uu ka Bartay Culuumta Diinta

Araweelo News Network

Nin maxbuus ah oo magaciisu yahay Abdul Rahman, una dhashay dalka Sucuudiga, ayaa ka qallin-jebiyey Jaamacadda Imam University oo uu ka qaatay shahaadada koowaad oo uu ku diyaariyey culuumta diinta islaamka ah ee aasaasiga ah.
Maxbuuskan oo da’diisu tahay 42 jir, kuna jira jeel ku yaal dalka Sucuudiga, waxa uu ka mid yahay 114 maxbuus oo markii ugu horraysay iyagoo xabsi ku jira qallin-jebiyey. Waxa uu rajaynayaa inuu waxbarashadiisa sii wato inta xukunkiisa uga hadhay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Sucuudiga, ayaa dejiyey hannaan dib-u-habayn lagu samaynayo maxaabiista oo uu u bixiyey vis-à-vis, taasoo uu kaga hortagayo in ciqaab uun ku dhaco qofka xorriyadiisa laga qaaday. Barnaamijkan oo ay ka faa’iideen maxaabiis fara badan, kuwaasoo awood u yeeshay in ay heer jaamacadeed gaadhaan, kuna noqdaan bulshadoodii caadiga ah, iyagoo aqoon leh.
“Hadda sidii hore gebi ahaan waan ka duwanahay marka loo eego sidaan ahaa markii xabsiga la i keenay, waxaanan dhammaan asaxaabtayda ku waanin lahaa in aanay waqtigooda iska lumin, kana faa’iidaystaan waqtiga ay xabsiga ku jiraan, waxbarashadoodana sii wataan. Waxa aan rajaynayaa in aan tacliintayda sare sida ugu dhakhsaha badan u dhammaystirto,” ayuu yidhi Cabdul Rahman.
114 Maxbuus oo ku xidhan xabsi ku yaal Sucuudiga, ayaa dhawaan qaadan doona shahaadooyin Jaamacadeed oo Culuumta kala duwan ee diinta iyo maamulka ah oo ay ka qaateen Jaamacadda Imaam, kuwaasoo ka faa’iiday hal-abuurka uu keenay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sucuudiga Mr. Mohammed bin Nayef. Waxa xafladda qallin-jebintooda ka soo qaybgeli doona eheliyadooda iyo saraakiil sarsare oo boqortooyada ka mid ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post