X

Maalmo Kooban Bisha Ramadaaan Waxaad Dhintaa 10 Kg Miisaankaaga

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN) Bisha Barakaysan ee ramadaantu waxay inoo tahay fursad qaali ah oo aynu miisaankeena ku dhimayno inaga oo isticmaalaynayna cuntooyinka faa’iidada u leh caafimaadkeena, sida ay sheegeen khubarada dhanka cuntada iyo caafimaadku.
Culimadu waxay sheegayaan in dadka miisaankoodu kordho bisha barakaysan ee ramadaantu inay yihiin dad aan raacin dariiqooyinka caafimaad ee lagama maarmaanka ah isla markaana aan kaantaroolin nooca cunto ee ay qaadanayaan, cuntadaa oo miisaankoodii hore ku ilaalinaysa amaba ka dhimaysa.
Waxana aan halkan ku soo gudbinaynaa cuntooyinka miisaanka kaa dhimaya mudadaa maalmaha ah ee ka tirsan bisha barakaysan ee Ramadaanta.
Maalinta koowaad waxaad ka bilaabaysaa kaluunka oo lagu tuujiyey Liinta, cuntadaas oo ah mid dhadhankeedu aad u wanaagsanaanayo, waxaana dhadhankaasi xadkiisa sii dhaafayaa marka lagu sii daro salladh iyo beyd la kariyey, waana cuntooyinka aynu heli karno badankeenu.
Maalinta labaad waxaad xiliga afurka qaadataa saambuus si wacan loo dubay oo bislaaday, kaas oo lagu darayo khudrad iyo Liin waana cunto caafimaad qabta oo casho xitaa geli karta, waana cunto debecsanaan badani ku jirto, adiga oo ay suurogal kuu tahay in aad ka dhigan karto khudrada nooca deegaankaaga aad ka helayso.
maalinta Sadexaad waxaad qaadan kartaa baasto Makarooni fuudkeedii wadata, iyadoo sooska ama maraqa baastada makaroonigu uu dhadhan gaar ah u sameeyo cuntada, waxaana sii wanaagsan adiga oo baasto makaroonigaa ku qaata Saladhka cagaaran.
Malinta ku xigta waxaad qaadanaysaa waxoogaa hilib ah oo la solay adiga oo raacianaya khudrada aad heli karto, digirta cad ama beans-ka iyo liinta, waana in aad ku ilaalisaa digirta cad uumigeeda oo aad daboolka ku adkaysaa marka ay dabka saaran tahay, taasina waa dariiqo ku ilaalinaysaa tayada dhadhankeeda.

Xiggasho Xogta dahsoon

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post