X

Khubaro Sheegtay in Cadayga Ilkuhu ka Hortago Xannuuno ku Dhaca Lafaha Jidhka

Araweelo News Network

Cadayashada ilkuhu waxay ka mid tahay waxyaabaha ilaaliyaa caafimaadka qofka, gaar ahaan waxa ay ka hortagtaa xannuunka roomadiisanka amma laabatooyinka oo qofka xannuuna sida lagu xaqiijiyey daraasad cusub.
Bakteeriyada (Bugs) sababta suuska ilkaha ku dhaca sidoo kale waxay ka mid tahay waxyaabaha soo dedejiya xannuunka roomadiisanka oo sahayday nolosha dad aad u tiro badan oo dunida ku nool.
Khubarada cilmi-baadhistan sameeyey waxay sheegeen in ay heleen waxyaabo amma caddaymo sheegaya in roomadiiskanku (Rheumatoid arthritis (RA) uu xidhiidh la leeyahay nadaafada ilkaha, taasoo muddooyin badan la saadaalinayey oo khubaro badan sheegeen, balse waqtigan loo helay caddayn.
Caabuqa amma suuska (actinomycetemcomitans) waxa carqaladeeyaa soo saarista booratiinka (Citrullination) oo sababa in hab-dhiska difaacu heegan galo. Booratiinkan oo inta badan bani’aadamku soo saaro waa mid faa’iido badan u leh iska difaacida walxaha dibada ka soo gala jidhka, balse dadka qaba roomadiisanka waxa la soo darsa xaalad keenta in laabatooyinku xannuunaan, kadibna unugyo amma nudo badan oo jidhka ah dhaawacmaan sida ay xaqiijiyeen khubaro ka socotay Jaamacadda Johns Hopkins University.
Waxa ay khubaradu xuseen in kala badh dadka qabay roomadiisanka (RA) aanay ahayn kuwo qaaday, balse ay ku keentay bakteeriyo kaga dhacday mindhicirada amma uur-ku-jirta iyo sidoo kale ilkaha.
Prof. Felipe Andrade oo ka tirsan khubarada Maraykanka u dhalatay ee daraasadan soo saaray waxa uu sheegay in nadaafada ilkaha oo la wanaajiyo lagaga badbaadi karo inta badan xannuunkann dhibta badan.
Daraasada cusub oo maxsuulkeeda lagu daabacay jariirada Science Translation Medicine waxa ay soo bandhigtay habab lagaga hortagi karo roomadiisanka, waayo waxa ay ogaadeen in cudurkan la qaado marka hab-dhiska difaaca jidhka khalkhal ku yimaado, kadibna xannuunkan si toos ah u asiibo unugyada, taasina ay keento in laabatooyinku xannuun badan soo wajaho.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post