X

Jaamacadda Oxford Oo Bixinaysa Waxbarasho lacag la’aan ah

Araweelo News Network

Britain(ANN)Jaamacadda Oxford, ayaa ku dhawaaqday inay bixinayso markii ugu horaysay koorsooyinka internetka ee loo yaqaan Mooc – “Massive Open Online Course” iyadoo kaashanaysa jaamacaddaha Maraykanka ee bixiya koorsooyinka dhinaca internetka.

Koorsooyinka noocan ah oo lacag la’aan ah, ayaa aad looga jeclaaday boqolaal jaamacadood waxayna leeyihiin malaayiin Arday oo wax ka barta.

Laakiin ilaa hadda Oxford ma bixin koorsooyinka dhinaca internetka ee Mooc. Balse waxay bixin doontaa koorsooyin dhaqaallaha la xidhiidha, iyadoo kaashanaysa habka internetka ee edX, kaas oo ah mid ay abaabuleen jaamacadda Harvard iyo Massachusetts Institute of Technology.

Koorsooyinka Mooc ee soo baxay sannadihii ugu danbeeyay, ayaa ahaa qorshayaal ku cusub Waxbarashadda sare, gaar ahaan dalka Maraykanka.

Taageerayaasha waxbarashadda noocan ah, ayaa ku dooday in waxbarashadda internetka ay helayaan dad badan, kuwaas oo qiime aad u hooseeya ku helaya, halka dadka dhaleecaynayaa ay sheegeen in waxbarida faslka iyo fikrad isdhaafsiga aan laga samayn karin internetka.

Dadka dhaliilaya, ayaa sidoo kale ka digay in Ardayda tirada badan ee ka hadhaysa waxbarashadda Mooc aanay helayn shahaadada degree-ga, meel ka baxsan fasalada Oxford.

Jaamacadda Oxford, ayaa koorsooyin ku bixisa internetka, oo ay ka mid yihiin kuwo ay ku bixiso iTunes U iyo kuwa ay bixiso kuliyadeeda sii wadashada waxbarashada (department for continuing education.)

Laakiin ilaa hadda ma samayn koorsooyinka lagu bixiyo Mooc oo ay bixiyaan hay’addaha internetka, sida edX iyo Coursera ee Maraykanka iyo FutureLearn ee UK.

Hay’adahan ayaa bixiya koorsooyin internet oo lacag la’aan ah, oo ay heli karaan ardayda meel walba oo ay joogaan adduunka.

Jaamacada Oxford ayaa hadda ku dhawaaqday inay bilaabayso inay u qorto ardayda kooras bilaabanaysa Febraayo 2017-ka, oo magaceedu yahay “From Poverty to Prosperity: Understanding Economic Development”.

Qaybtaa, ayaa ka mid noqon doontaa koorsooyinka internetka ee lagu bixiyo edX , oo ay dhigtaan sagaal milyan oo Arday, waxaana lagu dhigtaa 900 oo koorsooyin oo ay bixiyaan jaamacadaha Harvard, MIT, Berkeley ee Maraykanka, Peking ee Shiinaha, Sorbonne ee Faransiiska, Edinburgh iyo Imperial College London ee UK.

Koorsdaa ayaa ka hadli doonta qaybta ay dowladda ka qaadato horumarka dhaqaalaha waxaana hogaamin doona Sir Paul Collier, oo ah professor maadada economics iyo public policy ee kuliyada Blavatnik ee iskuulka cilmiga dowladda.

Ngaire Woods, oo ah gudoomiyaha Blavatnik, ayaa sheegay in koorsooyinka internetka ay yihiin “sida ugu fiican ee lagu faafin karo tacliinta oo ka baxsan fasalada Oxford”

Prof Woods ayaa sheegay in kuliyadda ay muhiimada saarayso sidii loo hormarin lahaa dowladda, taasna waxay ku xidhan tahay “shaqaale tacliin leh, macalimiin, hal abuurayaal ganacsi, suxufiyiin, iyo bulshada”.

Madaxa Coursera ee waxbarashada internetka, oo ay dhigtaan in ka badan 20 milyan oo Arday, ayaa dhawaan saadaalisay in shan sano gudahood ay jaamacadaha waawayn bixin doonaan shahaadada degree-ga oo internetka lagu baranayo.
Source: BBC

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post