X

Haweenay Xannuun ku Kellifay inay Ikhtiraacdo Tegnooloji Lagula Xidhiidhi Karo Goobaha Caafimaadka

Araweelo News Network

Brenda Katwesigye

Kampala(ANN)Haweenay magaceedu yahay Brenda Katwesigye oo ku nool dalka Uganda ee bariga qaaradda Afrika, ayaa ku dhiirratay in ay ikhtiraacdo barnaamij (Mobile app) moobaylada lagu xidhayo oo la yidhaa Instahealth, kaasoo qofka ku xidhaya xarumaha caafimaadka, dhakhaatiirta, baabuurta ambalaska amma in ay boqolaal qof la wadaagaan xaaladooda caafimaad.
Gabadhan oo wadday mashruuc caafimaad iyadoo jaamacadda ku jirta, gaar ahaan waxa ay baranaysay sidii dadka reer Uganda u heli lahaayeen caafimaad, waxaanay ogaatay in caafimaadku aad qaali ugu yahay dadka oo aanay daryeelka caafimaad goyn karin, kadib waxa ay bilawday cilmi-baadhis, iyadoo tagtay tuulo 500 km (310 mile) ka fog caasimadda dalkaas, balse intii ay halkaas joogtay ayey xannuunsaday, waxaanay awoodi wayday in ay la xidhiidho goob caafimaad, dhibkaas ay dareentay oo ku hoggaamiyey inay ikhtiraacdo barnaamijkan cusub.
“Waan xannuunsaday intii aan halkaas joogay, waxaanan waayey meel aan ka helo caawimo caafimaad, waana markii aan ku dhiirraday ikhtiraaca barnaamijkan InstaHealth,” ayey tidhi iyadoo ka hadlaysay waxa ku kalifay inay samayso barnaamijkan moobillada ku shaqaynaya.
Dadweynaha ku dhaqan waddanka Uganda ayaan si buuxda u awoodin in ay helaan internet, iyadoo 40% bulshada ka mid ah moobilladooda internet ka isticmaali karaan, waxayna gabadhan la wadaagtay barnaamijkeeda dhinaca caafimaadka shirkado si loogu fududeeyo in qof kasta heli karayo, kadibna arrintaas waxay ku mutaysatay abaalmarin ay siiyeen Ururka Caalamiga ah ee Shirkadaha Isgaadhsiinta (International Telecommunication Union).
Waxa kaloo ay barnaamijkeeda u fududaysay in dadku ka heli karaan dhakhaatiir amma kalkaaliyayaal caafimaad oo adeegay doonaan u fidin kara, iyadoo haddana suuyqada dunida ku fidisay si loo faafiyo.
Sida lagu daabacay mareegta Financialjuneteenth.com oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay u sheegtay shirkad la yidhaa Black Enterprise in carqaladaha ugu waaweyn ee soo wajahay ay ka mid ahaayeen internet la’aanta dalkeeda ka jira iyo waliba sidii ay dadka tirada badan iyo goobaha caafimaadka oo khubaradooda wata la isugu xidhi lahaa, aakhirkiina ay ka gudubtay, iyada iyo kooxda barnaamijka la samaysay.
Gabadhan la yidhaah Katwesigye waxa ay dadka hammiga leh ee doonaya in ay dunida wax ku soo kordhiyaan u soo jeedisay in ay ku dhiiradaan oo aanay lacag ka fikirin marka hore, waxaanay sheegtay in dad badan oo dunida wax ku soo kordhiyey ay ka daawatay barnaamijka TED ee mawhibooyinka iyo dadka bulshooyinka wax ka beddela ay ugu warramaan.
Haweenaydan waxa loo doortay sannadkii 2015 in ay noqoto gabadha hoggaanka u ah ikhtiraaca Afrika, sida lagu daabacay mareegta Financialjuneteenth.com
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post