X

Haweenay British Ah Oo Xadhig ku Mutaysatay 300 Xabbo Kiniin (Tramadol) Xannuun Baabi’iye ah oo ay Dalka Masar Gelisay

Araweelo News Network

Tramadol

Qaahira (ANN)- Haweenay u dhalatay Britain ayaa lagu helay dembi ah in 300 xabbo kiniin xannuun baabi’iye ah oo ay si qarsoodi ah ku gelisay dalka Masar, waxana lagu xukumay saddex sanno oo xabsi ah.
Laura Plummer oo 33 jir ah, ayaa la xidhay kadib markii lagu qabtay kiniinka xannuunka baabi’iya ee Tramadol oo boorsadeeda ku jiray 9-kii bishii October ee sannadkan 2017 oo ay safar ku tagtay dalka Masar.
Plummer, ayaa sheegtay in saaxiibkeed oo Masar u dhashay ay u waday kaniinka si ay uga daaweyso dhabar xanuun ku dhacay. Kaniinkan oo Britain aan mamnuuc ka ahayn, lagama oggola dalka Masar.
Qoyskeeda waxay sheegeen in qareenkeeda uu gudbiyay racfaan. Plummer waxay horey u sheegtay in aanay ka war hayn in kaniinkani dalka Masar mamnuuc ka yahay.
Walaasheed Rachel ayaa sheegtay in hooyadeed Roberta Sinclair ay ka argagaxday xukunka lagu riday inanteeda.
Lahaanshaha sawirkaFACEBOOKImage captionLaura Plummer waxay sheegtay in warqadda dhaqtarka uu hayo saaxiibkeed oo lagu magacaabo Cumar Caboo
Qoyska gabadhani ka dhalatay, ayaa ku doodaya in Plummer aanay ogeyn waxa ay sidday iyo sida Masar ay ka yihiin, waxyna ku sifeeyeen inay doqon noqotay.
Waxay sheegeen in aanay isku dayin inay qariso dawada oo ay ka qaaday qof ay saaxiib la tahay. Sidoo kale, waxay moodday kaftan kadib markii askari ka ciidammada dalka Masar uu ka soo saaray hudheel lagu magacaabo Red Sea oo ku yaal magaalada Qaahira oo fasax ay ku tageen iyada iyo saaxiibkeed.
“Hooyo way ka naxday xukunka,” ayey tidhi Rachel Plummer, waxaanay sheegtay in aanay ogeyn in racfaankooda la dhageysan doono maalinta Salaasada ee toddobaadka dambe iyo in kale.
“Waan iska rajo wanaagsannahay. Xataa kala badhka xukunkaas wuu fiicnaan lahaa. Wax kastoo ka yar saddex sanno uma qalanto tallaabadaasi,” ayey hadalkeeda sii raacisay.
Lahaanshaha sawirkaRACHEL PLUMMERImage captionLaura Plummer waxay sheegtay in aysan fikir ka haysan “waxa ay wadatay”
Markii warka uu gaadhay xildhibaanka degaankeeda Hull Mr. Karl Turner, waxa uu sheegay in go’aanka maxkamaddu wax laga naxo ku yahay iyada iyo qoyskeeda.
“Laura, si kasta oo ay ahaataba way ka naxday. si wanaagsan loolama dhaqmin, Hurdo la’aan ayaa ku dhacday, aadna way u cadhaysnayd,” ayuu yidhi.
“Waxay ila tahay in lagu eedeeyey dareenkeeda wanaagsan.”
Xildhibaan Turner waxa uu qiray in Plummer ay aad u cadhootay, balse wuxuu ku tilmaamay qof hufan oo daacad iyo howlkar ah.
“Waxay u socotay in saaxiibkeeda ay ku booqato Masar. Waxay qaadatay wax ay moodday xannuun baabi’iye, wax dhaafsiisanna ma jirin. Waxa cad in dawadu ahayd mid mamnuuc ka ah dalkaasi, waana in aan xushmeyno shuruucda dalalka kale, waana in uu jiro dareen wanaagsan iyo dhexdhexaadnimo,” ayuu yidhi Turner.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post