X

Haweenay 73 Jir ah oo Uur-ku-jir (Fetus) Caloosha ku Sidday 35 Sannadood

Araweelo News Network


Koox dhakhaatiir ah oo ka tirsan xarun caafimaad oo ku taal magaalada Skikda oo dhacda bariga dalka Aljeeriya, ayaa ogaaday kiis naadir dunida ku ah Salaadii toddobaadkan, kadib markii ay ka war heleen haweenay 73 jir ah oo caloosha ku sidday uur-ku-jir (Fetus) muddo 35 annadood ah sida uu daabacay wargeyska Alchourouk oo dalkaas ka soo baxa.
Haweenaydan wayeelka ah waxa ay iskaga noolayn nolol caadi ah, balse waxa la ogaaday kadib markii ay uur ku jirta garaac badan ka dareentay iyo waliba jidhka kale, waxana la geeyey cusbitaalka oo lagu xaqiijiyey arrintan mucjisada ah.
Kooxda dhakhaatiirta ah markii ay baadhitaan ku sameeyeen way fajaceen, kadibna waxaay mariyeen kombuyuutar muujiyey in walax kale jidhkeeda ku jiraan, gaar ahaan ilmo-galeenka. Waxa ay ka war heleen in uur-ku-jir (wejiga hore ee samysanka ilmaha yar) ku adkaatay ilma-galeenka, isla markaana 35 sanno ku jiray. Waxa miisaanka uur-ku-jirtan dhamayn 4 kilo, da’deeduna waxay ahayd 7 bilood, balse muddaas dheer oo ay ku jirtay waxba ma ay dareemin, saamaynta kuma ay yeelan caafimaadkeeda. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ilmaha ku jiray caloosha ku qaaday 1981-kii.
Gabadhan waxa dhawr jeer oo hore la mariyey kombuyuutar, balse dhakhaatiirtu kama ay war helin ilmaha aan dhalan ee caloosheeda ku jiray.
Waxa jira 300 kiis oo dunida oo dhan ka dhacay amma taariikhda caafimaadka lagu arkay oo gabadhan la mid ah. Haweenaydii ugu horreysay waxa la soo tebiyey in xaaladdan oo kale ay la kulantay 1582-kii AD, kadib markii gabadhan oo Faransiis ah aay ku dhimatay 68 jirka, dhakhaatiirtii baadhayna la yaab ku noqotay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post