X

Hargeysa: Wasiirka Cadaaladda Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Bushraa Optical Center Xarun Cusub Oo Indhaha Ah

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirka Cadaaladda Somaliland Axmed Cadare, ayaa xadhiga ka jaray xarunta Bushraa Optical Center oo ah Xarun Cusub Oo Indhaha Ah oo laga furay Badhtamaha magaalada Hargeysa.


Munaasibad kooban oo lagu qabtay galabta dhismaha laga furay xarunta indhaha iyo muraayadaha ee Hargeysa oo lagu magcaabo Bushraa Optical Center, taas oo ku taal dhimaha Ilama Cabdi Jaamac ee wadada togdheer.


Axmed Cadare oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa, wuxuu sheegay in uu aqoon u leeyahay Dr. Cabdisalaan Shine oo ah dhakhtar ku takhakhusay indhaha, isla markaana uu hubo inuu bulshada u shaqaynayo, wuxuuna ku amaanay furitaanka Xarunta Cusub Oo Indhaha Ah oo uu sheegay in baahi weyn loo qabay.
Dr. Cabdisalaan sh cabdiraxmaan Cismaan (Dr. Shiine) ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu dalkiisa ka furo xaruntan, isagoo ah dhakhtar ku takhakhusay indhaha, isla markaana ay ka hawlgelayaan isaga iyo dhakhaatiir ajaanib ah, wuxuuna xusay in ujeedada xarunta Bushraa Optical Center aanay ahayn mid dhaqaale ka doonaysa bulshada, balse ujeedadeedu tahay inay dadka u adeegaan

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post