X

Haddii aad Shaqo Naftaada u Xun Hayso oo aad Da’da 20aadka ku Jirto Caafimaad-darro ayaad Halis ugu Jirtaa

Araweelo News Network

Cilmi-baadhis la sameeyey, ayaa lagu ogaaday in qofka dhallinyarada ah uu dhibaatooyin iyo caafimaad-darro kala kulmo shaqooyinka aan u wanaagsanayn naftiisa, halka uu sidoo kale la kulmo hurdo la’aan, isku buuq iyo caafimaad-darro aad u badan.
Daraasaddan oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Ohio State University ee dalka Maraykanka, waxa lagu iftiimiyey in haddii qofku marka uu ku jiro da’diisa u dhexaysa 20 ilaa 30 sanno jir uu qabto shaqooyin naftiisa dhib u keena, tusaale ahaan maamulka ka sarreeya ku adadag yahay, cabudhinna ku hayo, waxa uu noloshiisa dambe la kulmaa khatar caafimaad oo halis gelisa.
Waxa kaloo daraasadda lagu sheegay in qofka ku qanacsan shaqadiisa waqtiga uu dhallinyarada yahay ay u keento guul amma caafimaad fiican, balse haddii qofka da’da yar ka shaqeeyo goob aannu xor ahayn ay waxyeeli karto caafimaadkiisa, isla markaana uu la kulmo dhabar-xannuun iyo hargab joogto ah.
Cilmi-baadhayaasha oo daraasaddan ka sameeyey 6,432 (lix kun, afar boqol, soddon iyo laba) qof oo da’doodu u dhexayso 25 ilaa 39 jir, waxa baadhitaan lagu sameeyey habka ay ugu qanacsan yihiin shaqadooda, waxaana laga codsaday ka qaybgalayaasha in ay tiro ahaan ku sheegaan inta ay jecelyihiin shaqadooda.
Kadib waxa loo kala qaybiyey dadkaas afar kooxood oo kala ah dadka aan aad ugu qanacsanyn shaqada, kuwa aad ugu qanacsan, kuwa hoos ay u dhacday ku qanacsanaantooda iyo kuwa jeclaanaya.
Waxa ka soo baxay in 45% dadkaas aanay ku qanacsanayn shaqadooda, halka 23% ay hoos u sii dhacday jeclaanshahooda, halka 15% ay ku faraxsanaayeen shaqadooda, iyadoo 17% sii jeclaanayeen.
Waxa la is barbardhigay caafimaadka dadkan, waxana soo baxday in maskax ahaan ay degen yihiin dadka shaqadooda jecel iyo kuwa sii jeclaanaya, halka kuwa nacay amma soo nacaya ay isku buuq, hargab iyo dhabar-xannuun joogto ah ka cabanayeen.
“Waa in aad ka taxadirto shaqadaada si aanay caafimaadkaaga u waxyeellayn, gaar ahaan caafimaadka maskaxdaada. Inta badan ee aad ku qanacsan tahay shaqadaadu waa intaad caafimaad qabto, laakiin haddii aanad ku qanacsanayn oo aad nacday maskaxdaada culays iyo caafimaad-darro ayaa soo wajahaysa.” Sidaa waxa yidhi Mr. Hui Zheng oo daraasadan hoggaaminayey.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post