X

Haddii Aad Doonayso Inaad Xasuusato Wax aad Ilawday Yara Seexo

Hurdada, ayaa la ogaaday in ay laban laabto fursada qofku wax dib ugu xasuusan karo, haddii uu ilaabay macluumaad u muhiim ah sida lagu helay cilmi-baadhis cusub.

Khubarada daraasadan samaysay waxay aaminsan yihiin in hurdadu faa’iido u leedahay in qofku xasuusto wax aanu soo jeedka ku xasuusan karin, maskaxdana dib ugu qasabta in ay soo saarto macluumaad ay lumisay.

Dad si mutadawacnimo ah uga qaybqaatay cilmi-baadhistan, ayaa la waydiiyey in ay xasuustaan macluumaad ka kooban kelmado ka hor inta aanay habeennimada seexan iyo kadib 12 saacadood oo ay hurdeen markay soo tooseen.

Dadkii hurdada seexday ee su’aashaas la waydiiyey waxay ka xusuus fiicnaadeen kuwii iyagoo aan seexan jawaabta la waydiiyey, waxaanay cilmi-badhayaashu soo jeediyeen in ardayda ay u fiican tahay waqtiyada imtixaannada in ay akhriska kadib hurdo fiican seexdaan si ay su’aalaha iyo macluumaadka la waydiiyo uga jawabaan.

Dr. Nicolas Dumay oo ah khabiir cilmi-nafsiga ku takhsusay, kana tirsan Jaamacada Exeter, ayaa sheegay in hurdado laban laabto fursada uu qofku ku xasuusan karo waxyaabo uu ilaabay, waxaannu yidhi; “Hurdada la seexdo, kadibna la isku dayo in la xasuusto wax aad ilawday waxa ay kuu saamaxaysa in xusuustaadu kor u soo kacdo, tanina waxay faa’iido u tahay dadka, maadaama hurdadu dib u soo celiso xog iyo macluumaad aad hilmaanta. Laakiin, arrintan waxa ay u baahan tahay cilmi-baadhiso dheeraad ah si macluumaad fiican looga soo saaro oo la isugu halayn karo.”

Cilmi-badhayaashu waxa ay sheegeen hurdadu faa’iido u tahay qaybta la yidhaa Hippocampus ee maskaxda u qaabilsan xasuusta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post