Araweelo News Network
Cilmi-baadhis cusub oo la soo saaray, ayaa lagu sheegay in ragga fiidkii ku hor lulooda amma ku daala daawashada telefishanku ay khatar ugu jiraan inuu asiibo cudurka dhiig-karku.
Daraasadda la sameeyey waxa ay soo jeedisay in ragga goor hore lulooda amma telefishanka hortiisa ku gama’ ay ku soo fool leedahay xaalad halis ah oo dhiig-karku ugu horreeyey, taasoo aakhirkana isu beddesha wadne-xannuun dhibaato ku keena caafimaadka iyo noloshooda.
Waxa laga yaabaa in marka qofku sariirta tago ee uu TV-ga ka horkaco aannu hore u seexan oo ay isla il darnadaan hurdada, waxayna draasaddan laga sameeyey dalka Jabbaan (Japan), isla markaana laga qaaday 2,400 (laba kun, afar boqol) oo qof oo waaweyn, ayaa lagu ogaaday in ragga dhiig-karku hayaa goor horeba seexdaan. Celcelis ahaan ragga dhiig-karka leh waxay 18 daqiiqo ka hor seexdaan kuwa caafimaadkoodu taamka yahay, balse hurdo wanaagsan ma seexdaan.
Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay sheegeen dadka xilli aad u horraysa hurdo taga amma sariirtooda taga in ay tahay astaan xannuun tilmaamaysa, iyadoo xannuunka dhiig-karku uu aad u dilli dadka dunida, kaasoo ay u geeriyoodeen ilaa 7.5 milyan oo qof, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO (World Health Organization).
Dadka dhiig-karka qaba ayaa daraasadu sheegtay in aanay badankoodu ogayn in xannuunkaasi hayo, taasina waxay sii kordhisaa khatartooda ah in ay hore u qaadaan wadne-xannuun, faallig amma maskaxda oo dhiig kaga furmo, halka haddii ay goor hore ogaan lahaayeen si fudud looga daawayn kari lahaa. (Inkasta oo wax walba ku xidhan yihiin qadarka Ilaahay, marka ay noqoto caafimaadka iyo cudurka asiiba dadka).
Hasa yeeshee, khubarada cilmi-baadhistan samaysay waxa ay ogaadeen in hurdada badan ee uu qofku seexda aanay astaan u ahayn dhiig-karka, laakiin qofka oo goor hore gogosha taga in aannu hurdo fiican helin ay astaan u tahay xannuunka dhiig-karka.
“Qofka oo goor hore sariirta taga waxa ay la xidhiidhaa dhiig-karka (hypertension), waana shay cad oo aannu ogaannay.” Sidaa waxa yidhi Dr. Nobu Sasaki oo ka mid ah khubarada daraasaddan sameeyey.