X

Habeenkii Ha Seexan Adigoo Cadhoonaya

Araweelo News Network

Daraasad cusub oo hadda la soo saaray, ayaa lagu ogaaday in dadka iyagoo cadhoonaya hurdo doonta habeenkii aanay helin hurdo wanaagsan, iyadoo daraasaddu sheegtay in dadkan cadhada iyo isku buuqa maskaxda kaga furnaa ay ku adkeeyaan in ay degenaan dareento maskaxdu, kadibna uu qofku si fiican u seexdo. Xaataa jidh ahaan waxa ay dadkan dareemaan daal marka ay soo toosaan, maadaama aanay maskaxdu dareemin oo wadnaha garaaciisa iyo maskaxduba aad u shaqeeyeen.

Khubaro kasmo-nafeeda (cilmi-nafsiga) ku takhasusay oo ka tirsan Jaamacadda Iowa State University, ayaa daraasadoodan ka qaaday 436 qof oo si mutadawacnimada ah cilmi-baadhista uga qaybqaatay, kuwaasoo baadhitaan lagu waday, kadib markii ay dhammaystireen xog-ururin ay ku jireen su’aallo cadho sababayey.

Jariirada Research in Personally, ayaa daabacday maxsuulka daraasadan oo lagu sheegay in la helay caddaymo tilmaamaya in haddii qofku cadho ku hurdo tago ay hurdadu ka xumaanayso, isla markaana ay hurdo wanaaga iyo xaalada qofku waqtigaas ku jiro ay xidhiidh leeyihiin.

Cilmi-baadhista dadka lagu tijaabiyey waxa la waydiiyey su’aallo u qaabaysan in ay si fudud qofka uga cadhaysiin karaan, waxaana loo kala qaybiyey kuwo aan cadhoon iyo kuwa cadhooday, kadibna waxa la ogaaday in kuwa cadhooday aannay hurdo fiican helin, marka loo eego kuwa aan wax cadho ah daremin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post