Araweelo News Network
Haddaba, sababaha timirtu u tahay dawo, cafimaadkana ugu fiican tahay waxa ay yihiin:
Waxa ku badan macdanta birta (Iron):
Timirtu waxa ay ka kooban tahay xaddi badan oo macdanta Iron-ta amma birta loo yaqaan, taasoo faa’iido u leh dadka dhiig la’aantu ku dhacdo (Anemia), gaar ahaan carruurta iyo dumarka uurka leh. Waxa ku filan qofka inuu maalintii cuno 100 gram oo timir ah oo guud ahaan ka kooban 0.9 mg oo Iron ah. Waxa ay noqonaysaa 11% xaddiga looga baahan yahay in maalin kasta qofku Iron helo. Macdanta birta ee Iron waxa ay faa’iido u leedahay unugyada cascas ee dhiigga iyo hemoglobin oo badanaa taageerta in hawada ogsojiintu si fiican ugu dhex safarto amma u raacdo dhiigga.
Waxay ka hortagtaa shubanka:
Sidoo kale, timirta waxa ku jira macdanta Bostaasiyam (Potassium) oo ah macdan aad u muhiim u ah oo ka hortagta in qofku shubmo, gaar ahaan waxay ilaalisaa mindhicirraha iyo caloosha in cillad ku timaad, iyadoo carisa bakteeriyada ku jirta uur-ku-jirta si aan ruuxu u shubmin.
Waxay dawo ka tahay calool-istaagga (constipation):
Timirtu waxa kaloo ay leedahay macdano qofka ka ilaaliya in calooshu istaago, waxaanay hab-dhiska qashin-saarka (digestion System) ka caawisaa in cuntada si fiican loo qashin saaro, iyadoo sidoo kalena shubanka dawo ka ah. Inta badan waa sababta qofka loogula taliyo inuu biyo iyo timir habeenkii isku cuno amma inta uu shiito cabo subaxnimada si hab-dhiska dheef-shiidka u xooggaysto. Waxa ay keentaa in qofku si fiican isaga saaro qashinka jidhka ku jira.