X

Fadliga Soonka Maalinta Cashuura

Araweelo News Network

Maalinta qiimaha badan ee cashuura waxay ku beegan tahay 10 bishan lagu jiro ee Muxaram, sannadka 1438, Hirjiya, amma maalinta Salaasada ee 11 October 2016, waxaanna nebbi Muxamed (SCW) ka sugnaatay in la soomo maalintan, soonkaas oo ajarkiisu yahay in Alle (SWT) ku dhaafo dunuubta kaa dhacday sannadkii la soo dhaafay oo dhan.
Bishan Al-muharram waxay ku jirtaa bilaha barakaysan amma sharfan ee ku wayn Allaah agtiisa, kuwaasoo ah afarta bilood ee xurmada leh, Ilaahay (SWT) inoogu sheegay qur’aanka kariimka ah, waanna billaha;
1. Muxarram oo ah bishan hadda lagu jiro
2. Dhul Qacdah
3. Dhul Xijjah
4. Rajab
Sida la inoogu sheegay xadiis ku sugan saxeexul-muslim, waxa Nebi Muxamed (SCW) yidhi; “Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa soonka bisha Al-muharram…” Waxa kale oo rasuulkeennu (NNKHA) uu inoo sheegay in soonka maalinta Cashuura uu Ilaahay ku dhaafo dunuubta yaryar ee sannadkii la soo dhaafay kaa dhacay.
Sidaas darteed, waa muhiim in bishan la badiyo soonka, cibaadada iyo acmaasha suuban, waxaanna bishan si gaar ah ugu dhex jirta maalinta loo yaqaan Cashuura oo ah maalinta 10aad ee bishan, kuna beegan 11 October 2016 oo ah maalintii Ilaahay (SWT) Nebi Muuse (CS) iyo muslimiintii la socday ka badbaadiyey kaafirkii weynaa ee Fircoon iyo colkiisii ku hallaagsamay badweynta, sidaas darteedna Nebi Muuse (CS) ayaa maalintan soomay, waxa kaloo soomay Nebigeennii Muxamed (SCW).
Maalmaha muhiimka ah in la soomo
Ibnu Qayyim (A.N) wuxuu sheegay in soomidda maalinta Caashuura ay leedahay saddex derajo oo kala ah:
1. In la soomo saddexda maalmood ah oo ah maalinta cashuura (Salaasadda), maalinta ka horreysay ee Isniinta berri) iyo maalinta ka dambaysa ee Arbacada, waana sida ugu fadliga iyo ajarka badan.
2. In la soomo laba maalmood oo ah maalinta Cashuura ee Salaasada, 11 October (10 MUXARRAM) iyo maalinta ka horreysa ee Isniinta berri oo bishu tahay 10 October 2016 (9 Muxarram).
3. Iyo in la soomo maalinta Caashuura oo kaliya
Haddaba, waxa muhiim ah in laga faa’iidaysto ajarka, xasanaadka iyo damb-dhaafka ku jira soonta Yawmul Cashuuraa, waana fursad qaali ah oo qofka Ilaahay garansiiyo u horseedi karta in laga dhaafo dunuubta yaryar ee ka dhacday sannadkii la soo dhaafay oo dhan, iyadoo loo baahan yahay, ayna waajib tahay in qofku ka tooban keeno dambiyada waaweyn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post