Araweelo News Network
Daraasad Rajo u muujisay Haweenka
Warbixin cusub oo ay qayb ka yihiin Dagan Wells, oo ah Barre Jaamacaddood oo ka tirsan kulliyadda arrimaha taranka ee jaamacadda Oxford ee Britan iyo xeel-dheerayaal kale oo ku takhasusay arrimaha dhalmada ee haweenka iyo ugxaanta, ayaa soo saaray warbixin sheegaysa in da’ada ay dumarku ku dhalmo daayaan ay suurtagal tahay in la caawinkaro.
Sidoo kale, Andrea Gorysekova, oo ka tirsan Cusbitaalka Mount Sinai ee dalka Canada, isla markaana qaabilsan arrimaha hooyada iyo dhallaanka, ayaa ka qayb qaadatay.
Waxaa aad loogu riyaaqay tegnooloojiyadda casriga ah ee qaabilsan xallinta arrimaha taranka ee Haweenka waxaa hadda suurogal ah in ay uur qaadaan ama ay dhalaanba iyaga oo dhaafay da’da dhalmada marka loo eego dumarkii hore, balse siday macquul u tahay in tegnooloojiyadda ay ka qeyb qaadato ilaalinta dhalmada?
Dagan Wells, oo ah Professor ka tirsan kulliyadda arrimaha taranka ee jaamacadda Oxford, ayaa sheegay in heerka dhalmada haweenka uu hoos u dhaco laga billaabo da’da 35, taasina ay tahay “Mid kamid ah farqiyada ugu waaweyn ee u dhaxeeya ragga iyo dumarka, iyo sinnaan la’aan”.
Sidoo kale, wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa awoodda taranka ee ragga marka ay da’ noqdaan, balse hoos u dhacooda dhanka taranka wuxuu billowdaa xilli dambe marka loo barbardhigo haweenka. Taranka ragga wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa laga billaabo da’da 40 ilaa 45 jir.
Kumannaan sanno oo lasoo dhaafay, haweenka waxay ahaayeen kuwo ku dhala 20 sanno ama wixii ka yarba.
Warbixin lasoo saaray sanadkii 2017-kii ayaa lagu sheegay in isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool dalalka la isku yidhaahdo OECD ay ku dhalaan da’da 30. Warbixintu waxay muujineysaa in boqolkiiba 44 haweenka ku nool England iyo Wales ay ku dhalaan da’daas halka Kuuriyada Koonfureed ay isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool halkaas ku dhalaan da’da 31.
Muhiimadda tirada
Muddo tobonaan sano ah, seynisyahannada waxay la xiriirinayeen hoos u dhaca ku yimaada dhalmada haweenka inay ugu wacan tahay tirada ugxaanta oo hoos u dhacda.
Taasi waxay ka dhigan tahay in marka ay haweeneyda da’ sii noqoneyso ay hoos u dhacayaan tirada ugxanteeda.
Haweeneyda marka ay dhalataba waxay leedahay malyan ugxaan ah. Marka ay qaan gaarto waxaa u soo haraya 300,000 oo ugxaan ah. Marka ay gaarto 37 jir waxaa usoo hara 25,000 ugxaan ah, halka xilliga ay 51 jir yihiin ay lahaadaan 1,000 ugxaan ah, waxaana markaas fal-galid diyaar noqda 300 ilaa 400 ugxaan.
Bil kasta hal ugxan ayaa ku dhaceysa ilmo galeenka ama diyaar u ah in ilmo ay ka sameysmaan, lamana oga sababta ka dambeys arrintaas, dhammaan ugxanta kalena wey dhimanayaan.
Inta badan haweenka waxay caadada ugu dhacdaa da’da 9 ilaa 13 jir, balse ilma galeenkooda masoo daayo wax ugxan ah kaddib hal sano ama labo sano marka uu ku dhaco dhiigga caadada ee ugu horreeya. Waxaa sidoo kale jiri kara caddeymo muujinaya in tirada ugxanta haweenka ay hoos u dhacdo marka ay gaadhaan da’da 33. In ta badan dumarka waxay dhalmo daayaan siddeed sano ka hor xilliga dhalmo deyska haweenka.
Waxaa lagu ogaan karaa tirada ugxanta in baadhitaan lagu sameeyo heerka nooca hormoonada ee loo yaqaano AMH ee dhiigga. Hormoonnadan ayaa kaalin weyn ka ciyaara kobaca unugyada ugxanta taranka ee ka qeyb qaata sameynta ilmaha.
Heerka hormoonnadan ee dhiigga ayaa hoos u dhaca marka uu is dhimo heerka taranka ee haweenka.
Andrea Gorysekova, oo ka tirsan Cusbitaalka Mount Sinai ee dalka Canada, isla markaana qaabilsan arrimaha hooyada iyo dhallaanka, in muddo ahna baareysay sida looga hortagi karo hoos u dhaca ku yimaada heerka taranka ee haweenka oo ay sababto da’da, ayaa sheegtay in arrintaas ay sabab u tahay in haweenka ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin sida wewel iyo saameynta kiimikada ay ku reebto jirkooda.
Casharka laga qaadan karo tayada
Inkasta oo ay adagtahay in la qiimeeyo tayada ugxanta, waxay warbixinta muujineysaa tayada hidde- sidaha ee ku jirta ugxan kasta.
Dagan Wells wuxuu sheegayaa in dhibaatooyinka ku habsada hidde sidaha ugxanta ay yihiin kuwo iska caadi ah, balse sidoo kale haweenka da’da yar ugxantooda ay lasoo darsaan dhibaatooyin dhanka hidde sidaha ah, inkastoo dhibaatadaas ay yar tahay, isla markaana ay sare u kici karto marka uu qofka da’ noqdo.
Daraasado qaar waxay muujinayaan in tayada shahwada ragga ay hoos u dhac billowdo marka ay sii weynaanayaan laga billaabo da’da labaatameeyada. Daraasadda ayaa sidoo kale muujineysa in boqolkiiba 0.7 xawaaraha shahwada ragga ay ku gaari karto jirka ay hoos u dhacdo sannad kasta.
Ugxanta ugu wanaagsan
“Ugxanta waa unugyo gaar ah oo ay ku jiraan maaddooyin gaar ah,” ayuu yidhi Wells. “Ugxanta waxay leedahay awood ay hakad ku geliso kobaceeda, muddo sannado ah ayayna shaqada joojin kartaa iyo sidoo kale inta uu kasoo deynayo ilmo galeenka xilligga u diyaargarowga uurka,
Daraasadda uu sameeyay Wells waxay dhanka kale sheegeysa in awoodda ugxanta ay cunug ku noqon karto ay ku xidhan tahay awoodda ah inay xajisan karto hidde sidaheeda xilliga ugxanta ay ku jirto shaqo ka fariisad.
Andrea Gorysekova, oo ka tirsan Cusbitaalka Mount Sinai ee dalka Canada, waxay sheegeysa in tayada ugxanta ay ku xidhan tahay deegaanka iyo xaaladda caafimaad ee haweenka xilliga kobaca ugxanta, sidoo kale welwelka iyo kIimikada ayaa saameyn ku yeelan karta ugxanta.
Waxay ka dhigan tahay in aan la joogin dabayaaqada
Dhibatooyinka lasoo darso haweenka marka ay da’ noqdaan oo kaliya ma ahan in saameyn ay ku yeelato dhalmada, balse waxaa lasoo dersaa caafimaad darro xilliga ay uurka leeyihiin ama ay dhalayaanba.
Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa muujineysa in haweenka da’doodu ka sarreyso 40 ay la daalaa dhacayaan caafimaad darro marka ay uurka yihiin sida xanuunnada sokorta iyo dhiig karka.
Haweenka 40 jirka ah ee dhala canugooda ugu horreeya, waxay boqolkiiba 50 halis ugu jiraan inay dhalaan canug xilliggiisa kasoo hormara, oo xaalaad caafimaad darro ah ku dhasha.
Waxaa hadda si xowli ah u socda dadaallo la doonayo in wax looga qabto da’da dhalmo deyska haweenka oo la isku dayayo in la kordhiyo, tusaale ahaan, haweeney 74 jir ah oo u dhalatay Hindiya ayaa dhashay labo caruur ah oo mataano ah kaddib markii muddo 57 sano ah ay qalliin mareysay si wax looga qabto dhibaatada heysatay. Haweeneydan, oo saddex sano ka hor ilmaha dhashay, labo jeer ayaa lagu guuldareystay in xaaladdeeda wax laga qabto.
Horumarrada laga gaadhay daweynta taranka tobonaankii sanno ee lasoo dhaafay waxay ka qeyb qaateen sare u qaadidda badqabka, guulaha la gaadhay iyo qiimaha jaban ee ku saabsan teknooloojiyadda qaabilsan taranka.
Sannadkii 2014-kii, waxaa soo baxay boqolkiiba 9 hooyooyinka markii ugu horreysay dhala ilmo iyaga oo 35 jir ah, balse haatan ku dhawaad 230 carruur ah ayaa waxaa sannadkii dhalaa hooyooyin ka sarreeyo da’da 50.
Balse Custicmaalka tegnooloojiyaddan waxay ku xiran tahay da’da ugxanta, waxaana la isticmaali karaa ugxanta uu qof kale kuugu deeqay. Inta badan xarumaha caafimaadka waxay u oggolaadaan haweenka in ugxantooda ay ku keydiyaan qaboojiye tan iyo inta ay diyaar ka noqoneyso.
Warbixintaa waxa lagu shaaciyay Idaacadda BBC, oo aannu kasoo xigganay.