X

Dugsi Laga Dhisay Daam-Biyood Dushii

Araweelo News Network

Dugsi waxbarasho oo loogu talogalay in wax lagu baro ubadka danyarta iyo darbi-jiifka ah, ayaa laga hirgeliyey gudaha dhaam weyn (haro) ku taal dalka Hindiya, iyadoo dhismaha dugsiyo yahay mid dul heehaabaya dusha sare ee harada biyaha.
Dugsigan uu uu hirgeliyey Ururka Isu-taga Kalluumaysatada Loktak (Loktak Lake Fishermen’s Union), kuwaasoo is kaashi la sameeyey urur ka shaqeeya horumarinta khayraadka dadka (People Resources Development Association) si ay ubadkooda wax barasho ugu helaan.
“Sida badankeenu aanay waxba u baran ee aan ugu xidhanay kalluumaysiga, waxa aynaan awood u lahayn in aynu ubadkeeda dugsi ugu dirno meel kale. Sidaa darteed, in xaaladda noocaas ah la ogaado, waxa ay keentay in aan go’aansano inaannu halkan ka samaysano dugsi aan leenahay.” Sidaa waxa yidhi Mr. Oinam Rajen Singh oo ah dadka degaanka haradaas ku taalo.
Dugsigan oo loogu talagalay inuu qaado 25 arday iyo laba macallin oo degaankaas ah waxa lagu geyn doonaa ubadka aan waxba baran amma aan fursad u helin in ay wax bartaan.
Bulshada degaanka Laktak ee dalka Hindiya waxa ay yagleesheen in dugsi xaaladooda nololeed ee guur guurista ah la jaanqaadi kara, kadibna waxay ka fikireen sidii ubadkoodu wax ugu baran lahaayeen, fursadna ugu heli lahaayeen tacliin ay kula tartamaan ubadka qayrkood ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post