X

Diinta Islaamka Ayuu Qaatay Markii Baar uu ku Cawayn jiray Isku Beddelay Masaajid

Araweelo News Network

Diinta Islaamka Ayuu Qaatay Markii Baar uu ku Cawayn jiray Isku Beddelay Masaajid
Goob la yidhaa Colgrave Arms oo ku taala magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa ay ahayd baar amma hudheel ay ciidammadu ku caweeyaan ilaa sannadkii 1886, balse waxa masaajid loo beddelay, kadib markii Urur ka shaqeeya Arrimaha Diinta iyo Tacliinta (Can Hall Dean and Education Trust) iibsatay bishii July ee 2010-kii.
Maadaama Colgrave Arms ahayd goob taariikhda London meel fiican kaga jirta ilaa 1886kii ay isu beddeshay masaajid waxa ay keentay in dad badan daneeyaan goobtan, muuqaal ay duubeen madaxda Masaajidka, gaar ahaan imaamka, ayaa lagu sheegay in nin goobta soo booqan jiray si toddobaadle ah muddo labaatan sanno ah markii ay ahayd hudheel lagu caweeyo uu la cajabay sida ay noqotay, nadaafad ahaan, degenaan ahaan iyo nuur ahaan, taasina ay sabab u noqotay inuu Islaamo, dibna u soo celiyo inuu toddobaadle u booqdo, isagoo Muslim ah si uu ugu tukado, halka uu markii hore tamashlayn u iman jiray.
Waxa Ururka Can Hall Deen and Education Trust goobtan u iibsadeen si ay u buuxiyaan baahida dadka Muslimka ah iyo kuwa aan muslimka ahayn u qabaan diinta Islaamka, masaajidka ka sakaw waxa ay goobtan noqotay goob la isugu keeno dad badan oo damacsan in ay wax ka ogaadaan diinta islaamka, kuwo u baahan in laga daaweeyo daroogada, dambiyo, rabshado iyo dhaqanno xun xun.
Inta badan ururkan ka dhisan Ingiriisku waxa uu ka shaqeeyaan arrimaha bulshada, gaar ahaan caddaaladda iyo midnimada. Waxa ka hawlgala dad aad u badan oo waayeel, culimo iyo dhallinyaraba ah, kuwaasoo qabta aqoon –is-waydaarsiyo, tobababaro, wacdiyo iyo la-talin badan oo dhinaca diinta Islaamka ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post