X

Digniin: Shirkad soo Saarta Caanaha Carruurta oo la Ogaaday Inay Sumaysan Yihiin Caanaha Ay Suuqa Geliso

Araweelo News Network

 

Caanaha Caruurta

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee la yidhaah Lactalis oo samaysa qasaacadaysan ee caanaha carruurta, ayaa amartay in dib loogu soo celiyo caanaha ay soo saareen meesha ay doonaanba caalamka ha ka yaalaane, iyaga oo ka cabsi qaba in ay ku jirto bakteeriyada wax qudhmisa ee magaceedu yahay salmonella, taasoo sababtay xannuuno saamayn caafimaad ku yeeshay carruur badan.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in ay 26 carruur ah oo dalkaas ku nool ay xannuunsadeen horraantii bishan December ee sannadkan 2017, kadib markii la siiyey caanaha ay soo saarto shirkadan laga leeyahay dalkoodu.

Dib u soo celinta caanahan ayaa saamayn doonta caanaha loo suuq geeyay dalalka Ingiriiska, Shiinaha, Pakistan, Bangladesh iyo Suudaan, waxayna arrintan saamaynaysaa boqolaal caano daqiiq ah oo dunida loo suuq geeyo iyagoo kala ah noocyada Milumel, Picot iyo Celi.

Shirkadda la yidhaah Lactalis waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waawayn dunida ee caanaha soo saara.

Michel Nalet oo ah afhayeen u hadlay shirkadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ku dhawaad 7,000 oo tan oo wax-soo-saarkooda ah ay wasakhoobeen, laakiin shirkaddu aysan wali awoodin in ay sheegto inta la isticmaalay ama xaddiga wali suuqyada yaalla.

Lactalis ayaa rumaysan in bakteeriyada salmonella ay ka soo raacday dhisme ay leedahay shirkadda oo ku yaalla magaalada Craon ee waqooyiga-galbeed ee Faransiiska, dhismahaas ayayna ku qalajinaysay caanaha daqiiqda ah.

Dhammaan caanihii lagu sameeyay halkaas tan iyo bartamihii bishii Feebaraayo ayay shirkaddu dalbatay in loo soo celiyo waxayna qaadday tallaabooyin dheeraad ah oo ay mashiinada kaga dilayso bakteeriyada.

Ma aha markii koobaaad ee shirkad samaysa caanaha carruurta ay soo foodsaartay cabsi caafimaaad.

Lix carruur ah ayaa dhimatay 300,000 oo kalana way xannuun sadeen ka dib markii shirkad Shiinaha laga leeyahay ay kiimikooyin ku dartay caanihii carruurta ee ay soo saaraysay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post