X

Digniin: Khatarta Iftiinka Qalabka Elaktarooniga Ah Ee Meelaha Mugdiga Lagu Isticmaalo Iyo Xanuunada Ka Dhasha

Khubaro caafimaad oo u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa digniin ka soo saartay in iftiinka qalabada elektarooniga ee meelaha mugdiga ah lagu isticmaalo ay sababaan cudurka Kansarka.

Waxa kale oo iftiinka qalabkan sida khubaradu sheegtay sababaan in qofka hurdo la’aann ku dhacdo amma xannuunka macaanka, buurnida iyo isku buuqa qofka soo asiibo.

Dr. Richard Steven o ah cilmi-baadhe kansarkanka naasaha ku dhaca ayaa sheegay in laydhka guriga lagu xidhaa maskaxda iyo jidhkaba ku qasbo in ay habeenkii u diyaargaroobaan hurdo.

“Hurdadu waxay u fiican tahay caafimaadkeena, sidaa darteed mugdigsu waa muhiim, balse haddii elaktarooniga iftiinkoodu qofka ku baxo waxa uu keena dhibaatooyin caafimaad,” ayuu yidhi Dr. Richard.

Iftiinka cadceedu wuxuu u wanaagsan yahay hormoonada jidhka, shaqooyinka dheecaano kale oo jidhku qabta, heer-kulka jidhka iyo hab-dhiska cunto burburinta noolaha, halka laydhka elaktarooniug ka soo hor jeedo oo uu sababo xannuuno, sababtoo ay kombuyuutarada iyo waxyaabaha kale ee iftiinka bixiya waxay sii dayaan laydh buluug ah oo qofka ku keena in aanu hurdo dareemin, taasina aakhirka keento xannuuno halis ah.

Khubaradan waxa kale oo ay ka digeen in guryaha iyo darriiqyada lagu xidho laambado midabkoodu buluug yahay oo ay khatar badan keeni karaan.

Waxa kale oo baadhitaanka dhakhaatiirtan sameeyeen lago ogaadan in iftiinka elektarooniga ee meelaha mugdiga ah lagu isticmaalo ay aad ugu nugul yihiin ubadka uurka ku jira.

Sababa kansarka u sababo iftiinkan noocaas ah waxay ku sheegeen in marka qofka waqtiga uu habeenkii seexda ka khalkhalo in jidhkuna oso daayo maadada Melatonin oo ah hormoon naasaha ka ilaaliya fiixaha kansarka ah, haddii si khalad ah jidhku soo daayana laftar ahaantiisu kansarka sababo.

Araweelo News Network

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post