X

Dhakhaatiir Xubnaha Kala Baxayey Qof Xaalad Adag Galay Oo Loo Malaynayay Mayd

Bremen (ANN)Dhakhaatiir loo fasaxay inay maydka ka saaraan xubno muhiim ah si loogu caawiyo dadka u baahan, ayaa intii ay ku guda jireen qalliinka qof loo maleeyey inuu dhintay ka war helay inuu nool yahay qofkaas oo aannu maskaxda mayd ka ahayn.
Dhakhaatiirtan oo ka tirsan Cusbitaalka Bremen ee dalka Jarmalka, ayaa xaqiiqsaday in bukaan ay ku samaynayeen qalliin xubnaha muhiimka lagaga saarayey uu nool yahay, waxaanay waqtigaas ku guda jireen caloosha oo ka saraayeen.
Wargeyska Süddeutsche Zeitung ayaa daabacay in qalliinkaas si dhaqso ah loo joojiyiey, kadib markii dhakhaatiirtu ka war heleen in bukaanku aannu maskax ahaan dhiman.
“Waa wax caqli-gal ah in maskaxdu dhaawacantay, sidaa darteedna aannu sii noolaan karin, laakiin ka hor intii aan la baadhin in maskaxdiisu nooshahay qofna muu ogayn inuu nool yahay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhakhaatiirta qalliinkaas ka qaybgalay.
Ururka dhakhaatiirta Jarmalka, ayaa dib-u-eegis ku samaynaya dhacdadan sida uu daabacay wargeyska The Local oo ka soo baxa dalkaas.
Mr. Alex Rumia oo ah Agaasimaha Ururka Xubnaha Dadka, ayaa sheegay in sharcigu dhigayo in qofka maskaxdiisa la baadho ka hor inta aannu dhiman, taasna lagu ogaan karo cilmiga caafimaadka.
Sidoo kale, Ururka Dhakhaatiirta Jarmalka ee GMA, ayaa baadhaya sida dhakhaatiirtan ku ogaadeen bukaanka, kadibna uga halwgaleen, balse dokumantiyo la helay ayaa sheegay in bukaankan hore wadnuhu u istaagay, hase ahaatee baadhitaannada la samayn doono ayaa soo saaraya sida xaaladu noqon doonto.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post