Araweelo News Network

xabatsawda
Nebi Muxamed (NNKHA) waxa uu muslimiinta uga tegay waxyaabo sunne ah oo ay akhlaaqiyaadkiisa kaga daydaan, isla markaana dhaqan wanaag u ah, balse waxa kaloo uu uga tegay waxyaabo dawo ah oo ka mid ah cuntooyinka iyo khudaarta wax laga cuno.
Sida uu tilmaamay khabiir islaam ah oo la odhan jiray Inb Al Qayyim, ilaalinta caafimaadku waa saddex dariiqo mid ahaan;
· Ilaalinta caafimaadka wanaagsan
· In jidhka laga saaro walxaha dhibaatada u keenaya
· Iyo in jidhka laga fogeeyo amma laga ilaaliyo waxyaabaha dhibta u keena.
Khubarada caafimaad ee casriga ah waxa ay sheegeen in caafimaadka qofku wanaagsanaanayo haddii uu isticmaalo cuntooyin nafaqo leh oo dheelitiran, jidhkana laga ilaaliyo waxyaabaha sunta ah amma waxyeelada u keena iyo jidhka laga saaro suntan (Detoxify) ku jira amma walxaha cudurka keeni kara ee ka dhasha cuntooyinka iyo hab nololeedka noolaha.

Mareeg kuwa internetka ah oo lagu magcaabo Caafimaadka Islaamka (Health Muslim), ayaa soo bandhigtay waxyaabo Nebi Muxamed (NNKHA) daawo ahaan u isticmaali jiray kuwaasoo kala ah;
Xabaasuud (Xabatu-Sawdaa)
Abu Hurayra Alle raalli ha ka ahaadee waxa uu yidhi in Nebigua (NNKHA) uu yidhi; “Si joogto ah u isticmaal xabaasuuda (iniinyaha madaw), sababtoo ah waxay ay daawo ka tahay cudur kasta oo aan ahayn dhimashada,” waxa xadiiskan soo wariyey Bukhaari.
Xabaasuuda amma midhaha madaw ee kulul waa midho laga helo geed ubaxeed la yidhaa Nigella Stiva oo ka mid ah bahda dhir duxeedka ah ee la yidhaa Buttercup. Geedkan waa geed marka uu baxo dherar ahaan gaadha 16-24 iinj (inches), kadibna bixiya ubax buluug midabkiisu yahay. Waxa kale oo ka baxa midho madaw oo ah kuwa xabaasuuda loo yaqaan, meelaha qaarna looga yaqaan siidhkii barakaysnaa amma iniinyihii barkaysnaa, halka dadka qaarna u yaqanaan Siidhkii Carabeed, maadaama uu aad uga baxo dhulka Carabta.
Xabaasuda magacyo kala duwan baa looga yaqaana meelo badan oo adduunka ah, waxaana laba kun oo sannadood ka hor loo isticmaali jiray siyaabo kala gedisan oo ay ugu horrayso daawo ahaan.
Midhahan waxa laga tuujiyaa saliid oo mararka qaarna daawo laga sii sameeyo, kuwaasoo daawo ka ah xannuunada ku dhaca neef-mareenka iyo qufacaba. Waxa kaloo loo isticmaalaa in lagu daweeyo jidh xannuunka, hab-dhiska dheef-shiidka ay ka caawiso in la burburiyo suntan jidhka ku jirta, xubnaha kaadi-mareenka in ay fududayso in kaadida ay dibadda u soo saaraan, in jidhku u adkaysto dabaysha, xannuunada caloosha ku yimaada oo dhan waa ka dawo. Waxa kale oo lagu dilaa dirxiyada ku dhasha caloosha, maqaarka cuncunka ku yimaada iyo waliba hooyada oo ku caana badisa marka ay isticmaasho, sida ay iftiimiyeen dhakhaatiirta baadhay.
Haddii qofku dhawr dhibcood oo iniinyahan saliida laga miiro ah ku darsado kafeega amma shaaha waxa ay ka caawisaa in cawaasiiftiisu degto (calm the nervious system), qufaca uu ka bogado, asmada amma xiiqdu ka yaraato iyo waliba in uu ka badbaado xannuunada neef-mareenka ku dhaca haddii Ilaahay sidaas qadaro, balse haddii qofku si dheeli tiran ah u cuno amma uu iska badiyo waxa ay ku keentaa in dheef-shiidka calooshu khalkhalo. Waa dawo uu Nebi Muxamed ummadiisa ku dhiirigeliyey in ay isticmaasho.
Xabaasuuda waxa loo isticmaali karaa in lagu daweeyo dhibaatooyin macaanka ka dhasha, sababtoo ah waxa ay hoos u dhigtaa sonkorta dhiigga
Nafaqada ay ka kooban tahay
Xabaasuudu waxay ka kooban tahay 100 shay oo nafaqo leh, kuwaasoo kala ah 21% booratiin ah, 38% kaarboohaydarayt ah (carbohydrates) iyo 35% dux iyo saliid ah. Walxaha kale ee faa’iidada leh ee xabaasuuda ku jira waxa ka mid ah maadooyinka loo yaqaan Nigelloone, Thymoquinone iyo saliid xadidan. Waxa kale oo ka mid ah aysiidhada faa’iidada leh ee laga helo Linoleic Acid, Oleic Acid, Kaalshiyam, Botaasiyam, Iron, Siink (Zinc), Magniisiyam, Saliniyam, Faytamin A, Faytamin B, Faytamiin B2, Niacin iyo faytamiin C.
Saamaynta Caafimaad ee Xabaasuuda
Xabaasuudu waa dawo qof kasta isticmaali karo oo faa’iido leh, balse haddii qofku iska badiyo waxa ay sababtaa cuncun. Saamaynta amma dhibaatada laga dhaxlo waa mid muddo dheer, dhexe iyo dheerba noqon karta. Inta badan xabaasuuda looma oggolaado gabadha uurka leh oo dhib ayeyy ku keentaa…La soco….
xiggasho: Jamhuuriya.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com