X

Dawooyin Nebigi Maxamed(NNKHA) Isticmaali Jiray

Dawooyin Nebigi Maxamed(NNKHA) Isticmaali Jiray
Qormada 3aad


Ilaahay (SWT), waxa uu qur’aanka kariimka ah ku sheegay in malabku daawo yahay, waxaana ku xusan Suurada Al-Naxal “Malabka waxa dadka ugu jira daawo,” An Naxal (16:69), iyadoo sidoo kale suuradan Ilaahay kaga hadlay shinnida iyo faa’iidooyinkeeda kala duwan.
Haddii aad liin soo qaado, kadibna aad koob ku tuujiso, isla markaana malqacad malab saafi ah ku darsado, kadibna aad biyo kulul ku qasto, waxa ay daawo ka tahay in ay jidhka ka nadiifiso waxyaabo badan, sida cunno xannuunka amma xabeebta, hargabka iyo waxyaabo kale oo qashin ah oo jidhka ku jira.
Liin-dhannaanta iyo malabkuba waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha aadka u faa’iidada badan ee caafimaadka qofkana kor u qaada, xannuunada qaarna ka daaweeya. Liin-dhanaanta waxa ay daawo fiican u tahay hargabka iyo calool xannuunka.
Sidoo kale, Malabka dabiiciga ah ee shinnidu samayso, kaasoo inta badan laga soo ururiyo buuralayda amma dhirta meelaha leh, saafigana ah, waxa loo adeegsadaa in dhaawacyada qaar lagu daaweeyo, gaar ahaan Nabi Muxamed (NNKH) waxa uu u adeegssan jiray malabka inuu cuntada ku darsado, halka uu asxaabtiisana ku waanin jiray in ay ubadka cuntada ugu daraan.
Malabku waxa uu ugu fiican yahay marka aan la shaandhayn, dabka la saarin, shirkad la soo marin, kaasoo aad ugu fiican dadka caafimaad ahaan iyo jidh ahaanba.
Dadka qaba macaanka waa in ay ka taxadiraan marka ay malabka cunayaan, sababtoo ah dhiiggu waxa uu malabka u qaata inuu sonkor yahay, gaar ahaan way kala duwan yihiin malabka, tusaale ahaan malabka loo yaqaan Tubeelo (Tupelo) waxa uu ka duwan yahay ka loo yaqaan Leyulose, sababtoo ah qofka macaanka qaba wuu isticmaali karaa noocan.
Malabku waa il dabiici ah oo tamar laga helo, taasoo sidoo kalena ay ku jirto nafaqo aad u faa’iido badan. Sonkortu waa unugyo tamar ah oo jidhku u baahan yahay. Dhammaan kaarboohaydaraydka (Carbohaydrates) hadday kuwo sonkor fudud ah iyo kuwo culus waxa loo jajabiyaa qurbaabo Guluukoos (glucose) amma dhiigga sonkorta raacda (Blood Sugar) ka hor inta aan jidhkeenu isticmaalin, sidaa darteed sonkorta malabka ku jirtaa asal ahaan iyadaaba burbursan oo ah Glucose iyo Fructose, jidhkuna si caadi ah buu u nuuga, kadibna waxa uu ka helaa tamar degdeg ah.
Cilmi-baadhiso dhawaanahan la sameeyey waxa ay soo jeediyeen in sonkorta malabka ku jirtaa ay qofka ka ilaaliso in qofku daalo, gaar ahaan dadka ciyaaraha fudud ciyaara ayaa lagula taliyey in ay isticmalaan.. la soco…

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post