X

Dawooyin Nebigi Maxamed (NNKHA) Isticmaali Jiray

Araweelo News Network

Timirta oo ah cuntada uu Ilaahay ku quudiyey Maryama, kadib markii ay Nebi Ciise (CS) ku hoos dhashay geedka (Palm tree). Alle oo Ciise ku dhiirigeliyey amma Maryan wiilkeeda barakaysan inuu noqon doono Rasuulka Mustaqbalka ee ubadka reer Israa’iil, ayaa Maryam Alle ku yidhi; “Rux jirida geedka, waxa kaaga soo daadan doona timir bisil, si aad u cunto, cabitaan indhahaaga ku nasi waxa Alle ku siiyey.”
Asxaabigii weynaa ee Cabdullaahi Bin Jacfar, ayaa weriyey inuu arkay Nebi Muxamed (NNKHA) oo cunaya timir markaas uun geedka laga soo gooyey (Sida ku qoray buugga Bukhaari iyo Muslim). Sidoo kale mararka qaar waxa uu cuni jiray Rasuulku timir uu cabitaan ku liqi jiray, subaxnimada horena waxa caado u ahayd inuu dhawr xabbo oo timir ah cuno, gaar ahaan inta aannu salaada subax tukan. Marka uu waayo timir cusub waxa uu cuni jiray mid qalalan.
Timirta cusub ee markaas uun geedka laga soo jaray waxa ay faa’iido u leedahay in qofku noqdo mid awooddiisa taran fiicnaato, cadhadu ku yaraato, guud ahaana caafimaadkiisa jidh ahaaneed iyo maskax ahaaneedba ay noqdaan kuwo wanaagsan.
Inta badan dadka aan timirta darayga ah cunin waxa ay u nugul yihiin nabarada caloosha ku dhaca amma dhiiggooda ayaa si fudud u kara, taasina waxa ay ku keentaa madax-xannuun iyo in jidhkiisu uu dheelitiranku ka maqnaado.
Sidoo kale, waxa uu Nebi Muxamed asaxaabtiisa iyo ummadda islaamka ah ba ku dhiirigelin jiray in ay isticmalaan amma cunaan timirta oo uu ku sheegay in ay faa’iidooyin caafimaad oo badan leedahay.
Sidoo kale, waxa Nebiga laga soo weriyey in mararka qaar uu isticmaali jiray timir lagu daray subag, roodhi iyo kaligeedba. Inta badan waxa ay cunista timirtu fiican tahay waqtiyada kulaylaha lagu jiro. Waxa ka mid ah faa’iidooyinka kale in ay u fiican tahay indhaha iyo maskaxda qofka, sidaas darteed, waxaynu odhan karnaa timirtu waxay ka mid tahay dawooyinka Rasuulkeennu uga tegay ummadda muslimiinta ah.
La soco…

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post