X

Dawooyin iibintoodu Mamnuuc ka Yihiin Dunida oo Lagu iibiyo Goobaha Addeegyada Caafimaadka ee Somaliland

Maxamed Faarax Qoti

Dawada suuxintu waa habka amma dariiqa kaliya ee loo maro xakameynta xannuun-biinta wakhtiga lagu guda jiro qalliinka, taasoo qofka ka caawisa dhinaca neefsashada, caddaadiska dhiigga oo ay weheliyaan garaaca iyo dhawaaqa wadnaha.
Waxaanna daawooyinka suuxinta loo isticmaalaa laba qaab oo kala ah, marka la doonayo in la lumiyo dhammaan dareen-wadayaasha qofka iyo marka la doonayo in la luminayo qayb ka mid ah dareen-wadayaasha jidhka aadamaha, waxaannu qofku dareemaa nashaad badan, illowshiiyo iyo hurdo dheer.
Haddaba, wakhtigan xaadirka ah oo ay dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland ku soo kordhayaan dhallinyarada aqoonta leh ee haddana u isticmaasha daawooyinkaas si aan waafaqsanay habkii loogu tallogalay, oo kala kulma caafimaad-darro weyn, sida, xididada dareen wadayaasha ee dururgsan oo xidhma, waxyeelooyin ay ku keento maskaxda iyo in ay la qabatimoobaan daawooyinkaas dadka sida khaldan u isticmaala.
Waxa taas sabab u ah in qaar ka mid ah daawooyinka ay ka mid yihiin; Procaine, Amethocaine, Cocaine, Lidocaine ee loo yaqaan Lignocaine, Prilocaine, Bupivacaine, Levobupivacaine, Ropivacaine, Mepivacaine, Dibucaine aad ka helayso iyagoo lagu iibinayo dhammaan goobaha adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, xataa haddii aad tagto farmasiga ku yaal Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa si dhib yar lagaaga iibinayaa daawooyinka dadka lagu suuxiyo, marka aad warqadda daawadu ku qoran tahay aad u dhiibto, taasoo ka baxsan dhammaan sharciyada u yaal daawooyinka ee ay dejisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Waxa la ogyahay in daawooyinka dadka lagu suuxiyaa yihiin kuwo ka mamnuuc ah in lagu iibiyo dhammaan goobaha adeegyada caafimaadka bulshada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sida ay qabaan sharciyada caalamiga ah ee xakameynta iyo ilaalinta daawooyinka, kuwaasoo feejignaan iyo taxadir ka muujiya in dawooyinka dadka lagu suuxiyo ay ka baxaan gacanta dawladaha, isla markaana tahay in la dhigo qaybta qalliinka oo qudha, lana hubiyo in lagu xafiday marfash leh quful ku furmaya saddex fure oo ay kala haystaan saddex qof oo ka shaqeeya qaybta qalliinka, sida Hay’adda Agabka iyo Dawooyinka Qalliinka, Suuxiyaha iyo Horjoogaha Qaybta Qalliinka.
Sidaa daraadeed, waxaan u soo jeedin lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo labada gole qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Golaha Wakiillada) in ay go’aan ka gaadhaan sidii wax loogaga qaban lahaa dhammaan wax kasta oo khatar ku ah caafimaadka bulshada reer Somaliland.

Maxamed Faarax Qoti

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post